Madaxweynaha Jabuuti oo Shirkad Shiine ah ku wareejinaya Dekedda dalkiisa wakhti Shirkadda Maamulkeeda Gacanta ku haysaa Doonayso Qandaraas ay kula wareegto Dekedda Berbera
Hargeysa, 21 July, 2012 (Ogaal)- Dawladda Dalka Jabuuti ayaa bilowday dagaal ka dhan ah dekedda magaalada Berbera oo la sheegay inay maalgashi ku samaynayaan Shirkad laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Shirkadda Dubai World Ports oo sida la sheegay wada-xaajood ku saabsan Qandaraas ay kula wareegayaan Dekedda Berbera ee Somaliland wakhtigan ku gudo-jira, dawladda Jabuuti waxa ay bilowday iska-kaashi ku saabsan horumarinta dekeddeeda oo ay la yeelanayaan shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, ka dib markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Socdaal Arrinta ku saabsan ku tagay dalka Shiinaha.
Shirkada Dubai World Ports oo muddo saddex sanno ah gacanta ku haysa maamulka dekedda magaalada Jabuuti, ayaa haddana Shaacinta Warka Arrintan khuseeya ku soo beegmayaa Xilli madaxweynaha Dalka Jabuuti uu socdaal ku joogo dalka Shiinaha halkaas oo kulan kula qaatay madaxweynaha Dalka Shiinaha Hu Jintao oo ay ka wada-xaajoonayaan xidhiidhka labada dalka ee dhanka ganacsiga, Siyaasadda iyo Milatariga.
Madaxweynaha Dalka Shiinaha oo saxaafadda kula hadlay magaalada Beijing kulankii labada madaxweyne dhexmaray ka dib, waxa uu xusay in dawladdiisu xooinayso xidhiidhka ka dhexeeya labada dal oo ku aaddan saddex dhinac oo kala ah saamaynta Shiinuhu ku leeyahay dalalka Bariga Afrika iyo sidii Jabuuti uga caawin lahayd Xallinta Arrimaha Soomaalida. Ta labaad, in la ballaadhinayo iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga lana aasaaso guddi isku jir ah oo labada dhinac ka kooban, iyo qodobka saddexaad ah in la xoojiyo xidhiidhada dhinaca dhaqanka iyo bulshada labada dhinac, sida uu sheegay madaxweynaha Shiinaha Hu Jintoa.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar oo Geelle oo ka hadlay goobta kulanka dhiggiisa Shiinaha, waxa uu dawlada dalkaas uga mahad-celiyey taageerada ay dalkiisa uga geysanayaan dhanka horumarka dhaqaalaha iyo bulshada isaga oo dhanka kale sheegay inuu rejaynayo in dadka Jabuuti wax ka baran doonaan waayo-aragnimada guusha xambaarsan ee dhanka Horumarka Shiinaha.
“Dawladda Jabuuti waxa ay soo dhawayneysaa in shirkadaha Shiinuhu maal-gashadaan dhismaha Dekeddaha, Jidadka Tareennada iyo shaaricyada waaweyn,” sidaa wax yidhi madaxweynaha dalka Jabuuti.
Warkan oo aanu ka helnay shabakadda baahisa wararka Daahsoon ee Africa Intelligence oo xaruntoodu tahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee bishii hore dhammaadkeedii socdaalka ku tagay dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ee ay kaga qayb-galeen wada-hadalladii Hoggaanka Soomaaliya la yeesheen, waxa ay dalkaas kula kulmeen Masuuliyiinta ugu sarreeya shirkadda Dubai World Ports oo ay iska leedahay Dawladda Dubai ee Midowga Imaaraadka Carabta ka tirsan, maamulkeeduna hoos-tago madaxweynaha Imaaradda Dubia Mohammed bin Rashid Al Maktoum isla markaana ah Raysalwasaaraha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Warku waxa uu intaas ku daray in dawladda Jabuuti ka cadhootay iskaashiga iyo maalgashiga Shirkadda Dubai World Ports ku doonayso inay ka geysato dekedda magaalada Berbera oo marka laga yimaaddo saamaynta adeegyadeeda, ku taallo meel is-taraataji ah oo gacan ka geysan karta inay daboosho baahida adeegga Dekedeed ee Somaliland iyo Dalalka kale ee mandaqadda Geeska Afrika.
Maaha markii ugu horreysay ee madaxweynaha dalka Jabuuti qaaddo tallaabo ka dhan ah horumar lagu sameeyo dekedda magaalada Berbera ee Somaliland oo uu aaminsan yahay inay saamayn ku yeelanayo adeegga dekeddooda oo ah dekedda ugu badan ee ganacsata iyo dawladda Ethiopia u adeegsadaan inay kala soo degaan alaabadooda. Waxaana la sheegaa in 70% adeegyada wax-soo-dejinta dekedda loogu talo-galay dalka Itoobiya, 20% ganacsatada Gudaha dalka Jabuuti halka 10% soo hadhayna ay Isticmaasho dawladda Dalka Jabuuti.









