Badhasaabka Sool oo Maamulayaasha Dugsiyada Buuhoodle ka codsaday inay wax kala qabtaan amniga Degamadaas
Lascaanood, 21 July, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Gobolka Sool Maxamuud Maxamuud Cali (Jeeni- yare) oo shalay tabobar ay qaadanayeen Maamulayaasha Dugsiyada kala duwan ee gobollada Sool iyo Buuhoodle ugu soo xidhay magaalada Laascaanood, ayaa maamulayaasha Dugsiyada Gobolka Buuhoodle ugu soo jeediyey inay qayb ka qaataan Xoojinta nabadda deegaamada, isaga oo ku war-geliyey Maamulayaashas inaanay waxbarasho jiri karin haddii aan la helin nabadgalyo deegaamadaas ka tis-qaadda.
“Waxbarashadii waxa laga horaysiiyey amniga oo haddaan la helin amni, waxbaraasho majirayso. Qodobka kaliya ee diiradda la saarayaa waa nabad-gallayada, qofkasta oo masuul ahna xilbaa ka saaran ee waxa loo bahan yahay in markaad ku noqotaan goobaha aad ka timadeen aad naga caawisaan xagga amniga,” ayuu yidhi Guddoomiye Jeeni-yare oo la hadlayey Maamulayaasha Dugsiyada gobolka Buuhoodle.










