CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Dacmo: Dirir Laba Beelood ku dhexmartay oo laga heshiiyey iyo Nuxurka Go’aamo laga soo saaray

Hargeysa, 21 July 2012 (Ogaal)- Guddi Dhex-dhexaadin oo ka kooban madax-dhaqameed, wax-garad iyo Aqoonyahan oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku dhex-jirtay xallinta khilaafaad ka bilaabay Dirir Laba Belood oo walaalo ah ku dhexmartay Deegaanka Dacmo ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in la soo gunaanaday khilaafkii ka dhashay Dirirtaas isla markaana waxay shaaciyey Qodobbo laga soo saaray Heshiiska labada dhinac.

Madax-dhaqameed iyo waxgaradka labada beelood ka soo kala jeeda oo shalay Magaalada Buuhoodle shir jaraa’id ku qabtay, ayaa shaaciyey qodobbo saldhig u ah heshiiska la gaadhay oo tilmaamay ganaax iyo magdhow lagu xukumay dhinacyada dagaalku dhexmaray.

Axmed Cawil Bacaluul oo ka tirsan Guddida labada beelood ayaa ugu horayn tilmaamay in dhibaatada dhexmartay labada dhinac dhawr jeer soo noqnoqotay isla markaana wakhtiyadii hore ay maaro-waayeen xallinteeda balse markii dambe ay arrintan soo kala dhexgaleen Dawlada Itoobiya iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 “Saddex jeer ilaa afar jeer ayey soo noqnoqotaydhibaatadaas, annaga oo u maaro waynay, ayaa dawlada Killalka shanaad waxay soo dirtay wefti heer degmo, heer Gobol iyo heer Faderal ayey lahayd cidda ak qayb-qaadatay. Xildhibaan heer faderaala degaankana Wasiir ka ah oo la yidhaahdo Cumar Daahir Xasan (Cumar yahaadhi) ayaaa tiimkaas hogaaminayey Taliyaha Ciidanka ayaa isaguna hawsha ka qayb ahaa, aad ayaa isaga ugu mahad-naqaynaa. Waxaanu ku shaqaynaynay gudi dhex-dhexada,” sidaas waxa yidhi Axmed Cawil Bacaluul.

Suldaan Siciid Cismaan Cali oo ka tirsan madax-dhaqameedka labada dhinac ee guddida ku jiray ayaa sharraxaad ka bixiyey qaabka loo maray xallinta Mashaqada dhexmartay labada dhinac iyo cidda ka gacan geysatay, “Waxqabad fiican waxa ka gaystay Dawlda Itobiya Ciidamadeeda faderalka ah iyo ismaamulka killalka shanaad oo iyaduna ay gacan ka gaysatay iyo dadkii la wadaagay Magaca labada reer ee wallaala- ah ee dhibtu ay kala gaadhay ee isku taxaluujiyey sidii dhibaatada loo soo afjarilahaa. Nimankaa Odayaasha ee Jig-jiga loo qaaday Markii dagaaladu ay socdeen, Odayaal loo qabqabtay nabad-gallyada aawadeed iyo shilkaas dhacay waxay noo ballan-qaaday Dawladda Faderaalka iyo ta maamulka ee killalka shanaad in la soo daayo Odayaasha,” ayuu yidhi Suldaanku

Ugu dambayntii, Shirka Jaraa’id ee guddigu ku qabteen Buuhoodle, waxa qoobtaas laga akhriyey qaar mid ah qodobada lagu hisheeyay kuwaas oo kala ah:

1. Waxay la xukumay Boqol iyo konton Halaad oo waafaqsan dilkii ugu danbeeyay ahaana marxuun Yuusuf Jaamac Xasan.

2- Waxa ay Guddidu siddeeddii nin ee ugu danbeeyay ee ku dhintay weerarkii Dacmo dadkii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ku xukuntay Siddeed iyo Toban kun oo Dollar ($18,000) oo ganaax ah.

3- Guddigu waxay ku xukuntay weerarkii qaawanaa ee lagu soo qaaday Dacmo loona adeegsaday qoriga teedhisabanka ah Siddeed Kun oo Dollar ($8,000).

4- Guddigu waxay ku xuntay isu-ururin Saddex nin oo min Boqol iyo Toban Halaad ah (110 Halaad) iyo Siddeed kun oo Dollar ($8,000) in lagu bixiyo mudddo Saddex bilood ah oo ay ka bilaabmysa Kowda Ramadaan, waxaana ka sugaaya Xukuumada iyo guddiga. Siddeed iyo toban dhaawac ahina, markay Xaqmaan ayaa iyagana la eegayaa.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE