“Hargeysi uma baahna cid ka shaqaysata ee waxay u baahan tahay Cid u shaqaysa”
Maxamed Kaahin Axmed
Hargeysa, 21 July, 2012 (Ogaal)- Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulka dawladda Hoose ee hadda xilka haya iyo kuwii ka horeeyayba ay hagradeen inay wax ka qabtaan baahiyaadka tirada badan ee caasimadda yaala.
Muj. Maxamed Kaahin waxa uu xusay in aanay caasimadda maanta ku oolin meel dan guud ah oo laga dhiso xarun caafimaad ama wax kale, Magaalada Hargeysina maanta u baahan tahay Cid Waxeeda wax ugu qabata, balse aanay u baahneyn cid waxeeda wax ka qabsada.
“Waxa aan doonayaa in aan halkan uga sheego cidda maanta doonaysa inay ka mid noqoto golaha deegaanka iyo hawlaha u yaala,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin oo ka hadlayey madal Xisbiga Kulmiye ku soo bandhigay mid ka mid ah Murashaxiinta xisbiga uga qayb-galaysa doorashada Goleyaasha deegaanka ee caasimadda Hargeysa.
“Ciddii maamulka Hargeysa haysay wey hagratay, waxaanay qaadday hal xidhaalaha ah Ka-faro-qabsasho, Ka-faa’iidaysasho, Fiillo ka jeexo. Halka aynu maanta taaganahay, Naasa-hablood ilaa Maqaaxida Inanta meel dan guud ah oo cusbitaal laga dhisaa kuma jirto,” ayuu yidhi Muj. Kaahin waxaanu intaas ku daray, ”Sababtu waxa ay tahay dhulkii danta guud ahaa waa la wada iibsaday.”
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Talada dalka haya waxa uu ka hadlay, “Maamulka hadda jooga iyo kii ka horeeyayba waanu u geynay oo waanu tusnay waxa ay Hargeysi la ooyayso, waxaanan idiin sheegayaa in aanay Hargeysi u baahan tahay cid u shaqaysa ee aanay u baahnayn cid ka shaqaysata,” ayuu yidhi isaga oo intaas raaciyey, “Hargeysi waxa ay u baahan tahay nin waxeeda yar u ururiya, laakiin afar jeeble uma bahana.”









