TACSI: Marxuum Cabdilaahi Yuusuf (Deeqi)
Maxamed Jaamac Cawad, Muuse Faarax Jaambiir iyo dhamaan bahda TV-ga qaranka ee Scandaneefiyanku waxay tacsi u dirayaan Xuseen Cabdillaahi Deeqsi oo ka mid ah madaxda TV-ga qaranka ee Somaliland, islamarkaana ah saxafi ruug cadaa ah oo mudo dheer ku soo dhex jiray warbaahinta Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan Somaliland oo Aabihii Cabdillaahi Deeqsi ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuumka waxaanu Ilaahay uga baryaynaa denbi dhaaf iyo inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo….Aamiin…..Aamiin.
Sidoo kale waxa tacsi taa la mid ah u diraya, Wakiilka Somaliland ee Norwey Sulub Warsame, Abwaan Maxamed Sugaal, Saleebaan Kabaweyne, KHawaaje, Saleebaan Food, Axmed Xaaji Nuur, Siciid Barre Weerar, Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bide, Yaasiin Faarax Ibraahin, dhamaan dadkaasi waxay marxuumka Ilaahay uga baryayaan inuu Iilka neecow qabow ku siiyo, janada fardawsana ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii iyo bahda wasaarada warfaafintana uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin…….









