CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Madashii gunaanadka shirkii Daallo ee shalay iyo khudbaddihii taxadarka lahaa ee marti-sharafta

Ceerigaabo, 18 July 2012 (Ogaal)- Shirkii beelaha Habaryoonis uga socday Buurta Daallo oo shalay la soo gunaanaday, ayaa ka hor xidhitaankii wax aka hadlay salaadiin iyo xubno-sharafeed lagu soo casuumay.

Boqor Maxamuud Cali Carab oo hadal kooban madasha ka jeediyay, ayaa sheegay inaanay jirin cid hor-taagnayd shirkan, isla markaana waxa uu hambalyeeyay sidii uu u dhacay iyo waxyaabihii ka soo baxay. “Waxan aad qabsateen, waa wax anfacaya dhamaan qabiilooyinka kale oo dhan……Shirkana cidda hor-taagnayd markay xukuumadda tahay, dee waxay ahaayeen uun inamada beeshiina.”

Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo isagu shirka Daallo u duceeyay, kuna hambalyeeyay Habaryoonis shirka ay yeesheen. “Soo-dhawayntiina Ceerigaabo anaga (weftiga uu hogaaminayay) calaamad gaar ah ayay noo tahay oo aanaan ilaabi karayn,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo sheegay inay taageereen geedi-socodkii shirkaas.

Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegawayne) oo ka mid ahaa marti-sharafta shirka lagu casuumay, ayaa ka hadlay masiirka ummadda Somaliland iyo cidda go’aankeeda kama dambaysta ah yeelanaysa. “Somaliland arrinteedu waxay ka go’daa shacabka, golayaal awood umaynu siin, dawlad awood umaynu siin…afar qof iyo beel qudha waxba kama go’aan.” Ayuu yidhi Dhegawayne. Isaga oo ka hadlayay shakigii hore ee ay xukuumadu ka muujisay shirka Daallo iyo xaqiiqdu siday ahayd wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dawladda waxaan leeyahay, dadkani (shirka) idinka ayay idiin shaqaynayeen, laakiin waxaad ka dhigteen inay idinka shaqaynayeen, waa dadkii idin doortay. Odayga (Madaxweynaha) waxaan leeyahay, inan yar oo guuraynaya ha dhegeysanine oo ha rumaysan ee dadkaaga iimaanso.”

Mujaahid Dhegawayne waxa uu hambalyeeyay sidii uu ku soo dhamaaday shirka Daallo, isla markaana waxa uu sheegay in waxyaabihii ka soo baxay ay yihiin kuwo anfacaya guud ahaanba shacabka reer Somaliland, balse aanay gaar u ahayn beelaha Habaryoonis.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan soo dhawaynayaan qoddobadii ka soo baxay gunaanadka shirka. Sidoo kale, Maayarka Ceerigaabo Cawil Xaaji Nuur oo isna hadal ka jeediyay madashii shalay ayaa sheegay inaanay hore u jirin wax kal-jiidasho dhinaca shirka ahayd, balse kaftan kooban ka dib hawshii shirku caadi isaga socotay.

Ugu dambayntii waxa shirka soo gunaanaday oo xidhay Suldaanka guud ee Habaryoonis Suldaan Maxamed Xirsi-qani, waxaanu sheegay inuu shirkaasi mid dhaqan ahaa oo dib loogu casriyaynayay xeerarkii iyo qawaaniintii reerka. Isla markaana waxa uu xusay in shirkani soo saaray Guddi horumarka ah oo metelaysa beesha. “Dadkii hore uga shakisanaa ee wuxuun sheegayay, waxaanu leenahay waar wixii hore aragte’e wixii dambena nala qabta,” ayaa ka mid ahaa hadalkii Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE