Maayarka Laascaanood iyo Ku-xigeenkiisa oo Xabsiga loo taxaabay iyo Sababa loo aanaynayo Xadhiggooda
Laascaanood, 18 July, 2012 (Ogaal)- Badhasaabka Gobolka Sool Maxamuud Maxamuud Cali (Jeeni- yare), ayaa shalay subaxnimadii Amray in xabsiga loo taxaabo Maayarka Laascaanood Keyse Maxamed Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Axmed Aadan Cilmi.
In kasta oo Illaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sababta kalliftay in Badhasaabka Sool xabsiga u taxaabo masuuliyiinta, haddana ilo-wareedyo ka ag-dhow maamulka gobolkaas, ayaa tibaaxay in Masuuliyiintaas lagu eedaynayo Falal Musuq-maasuq la xidhiidha, in kasta oo aan ilaa hadda la ogeyn nooca uu yahay Musuq-maasuqa loo haysto Maamulka magaalada Laascaanood.
Dhacdadan ayaa shalay subax buuq ka abuurtay magaalada Laascaanood, waxaanay tallaabadani noqonaysaa tii labaad ee Xukuumaddu ku fuliso masuuliyiin iyaga u shaqeeya oo lagu eedeeyey Musuq-maasuq, in kasta oo arrintan la xidhiidha maamulka magaalada Laascaanood.
Xarunta gobolka Sool ee Laascanood ayaan lahayn gole deegaan oo dadku soo doortay, Maayorka iyo ku-xigeenkiisana waxaa magacaabay Md. Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirka Hawlaha guud oo wakhtigaasi ahaa wasiirka warfaafinta.









