CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Kuliyadda Sharciga Jaamacadda Hargeysa oo Kulan-doodeed u qabatay Xubno ka socda Warbaahinta

Hargeysa, 18 July 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa  shalay magaalada Hargeysa warbaahinta kala duwan ee dalka uga furayka kulan hal maalin socday oo lagaga doodayey Xeerarka Warbaahinta.

Kulankan oo ku qabsoomay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa isla markaana ay qaban-qaabadiisa iska lahayd Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, waxa ka qayb-galay xubno ka socday qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo Masuuliyiin ka socday Jaamacadda Hargeysa.

Hormuudka Kuliyadda Sharciga Jaamadda Hargeysa Maxamuud Xuseen Faarax oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii sharci haga warbaahinta Madaxa-bannaan iyo kuwa dawliga ahba loogu heli lahaa, isaga oo intaas ku daray in daraasado door ah laga sameeyey Xeerarka iyo Xuquuqda Warbaahinta isaga oo soo jeediyey in Xeerka Saxaafadda uu noqdo mid ka qayb-qaata Horumarinta Warbaahinta balse aanu noqon mid lagu ciqaabo qofka Suxufiga ah, isaga oo arrimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi, “Runtii daraasadan muddo ayaa la waday oo waa darasad ku taxaluuqda dhibaatooyinka jira haday noqoto Joornaalka ama Tifiiyada iyo Idaacadahaba kuwa Madaxa-bannaan iyo kuwa dawladaba. Runtii daraasado badan ayaa laga samaeeyay sidii dhibaatooyinkaas xal loogu helilaa, waxa loo baahan yahay oo xeerka laftiisa saxaafadda lagu maamulo uu noqdo xeer ka qayb-qadanaaya horemarkii maaha in la ciqaabo saxafigii ee waxa loo bahan yahay in la helo xeerkii saxafiga anshax marin lahaa ayaa loo bahan yahay in la helo.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo kulankaas suxufiyiinta loo qabtay ka hadlay, waxa uu sheegay inay lama huraan tahay in la helo Xukuumad iyo saxaafad Madax-banaan oo isla jaanqaada si loo xaqiijiyo horumarka uu samayn karo wadankani.

Wasiirku waxa uu sharaxay in haddii Xukuumaddu weydo cid toosisa oo tilmaanta ay suuragal tahay in ay fadhiid noqoto sidaana lagu waayo horumarkii loo baahnaa, halka sidoo kalena uu wasiirku xusay in saxaafadu xiliga ay wax toosinayso looga baahan yahay in sawir qoraal iyo maqal kasta oo ay baahinayso uu huwanaado Milgihii saxaafadeed, asturaadiisii iyo dhaqankiisii.

Dhanka kale, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf oo sheegay inay samaynayaan Guddi ka shaqaysa sharciga saxaafadda, waxaanu yidhi,  “Qolada Jaamacadu markay daraasada samaynayeen runtii arrimahaas waanu ka wada-hadalnay haddii lagu yidhaahdo wax adiga ku qabta samayso inta sharci lagu wada qanacsan yahay uu soo baxayo, waxaan u arkaa wax saxaafada ay Dani ugu jirto. Waxaan halka ka sheegayaa inaanu guddi soo saarno. Waxaanu markii hore u samayn waynay mushahar la’aan, lakiin immika waanu u helnay oo waa nalaga daboolay in guddigaas nalaga bixiyo mushaharkooda.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE