Madax-dhaqameedkii ugu Miisaanka Cuslaa ee lagu Casuumo Gunaanadka Shirka DAALLO oo shalay Gaadhay iyo Go’aamo la filayo in maanta lagu soo Gabo-gabeeyo
Ceerigaabo, 17 July, 2012 (Ogaal)- Wefti ballaadhan oo isugu jira Salaaddiin, Boqorro iyo Shakhsiyaad magac ku leh bulshada dhexdeeda oo ka socday Beelaha Subeer-Awal iyo Habar-Jeclo, ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo, iyaga oo ka qayb-gali doona Madasha gunaanad Shirka Daallo uga socda Beelaha Habar-Yoonis oo lagu wado in maanta lagu gunaanado Go’aamada ka soo baxay oo lagu shaacin doono.
Weftiga shalay gaadhay magaalada Ceerigaabo oo Marti-qaad ka helay Shirguddoonka Shirka, isla markaana ka mid yihiin Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Sul. Cabdiraxmaan, Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Suldaan Mowliid Cali Sabbeyste, Muj. Ibraahim Dhega-weyne iyo Boqor Maxamuud Cali Carab, Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, waxa duleedka magaalada Ceerigaabo kaga hortagay Madax-dhaqameed uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani, Wakiillada Qurbejoogga beeshaas iyo dadweyne tiro badan oo ku gaashaan gaadiid badan, waxaana intii aan la geyn guri loogu talo-galay martida, lagu soo wareejiyey shaaricyada Magaalada.
Xubnaha Weftiga socdaalka ku tegay Ceerigaabo oo badankoodu ka tageen magaalada Hargeysa, inta kalena ka sii raacday magaalada Burco, ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa casuumad loo fidiyey beelaha ku dhaqan Somaliland madax-dhaqameedkoodu kaga qayb-galayaan gunaanadka shir-weynaha beelaha Habar-Yoonis ee beryahanba uga socdey buurta dalxiiska ee Daallo.
Wefti markii la dejiyey guri looga diyaariyey magaalada, waxa ugu horeyn khudbad soo dhaweynta Weftiga la xidhiidha ka jeediyey Suldaan Guud ee Beelaha Habar-yoonis Sul. Maxamed Sul. Xirsi Qani oo caddeeyey in wufuudda la marti-qaaday ay maanta gunaanadka madasha shirka kaga qayb-gali doonaan go’aamada laga soo saaray.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdilaahi Sul. Cabdiraxmaan iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo kala hoggaaminayey Wufuudda laba beelood ee shalay madax-dhaqameedkoodu gaadhay magaalada Ceerigaabo oo madasha lagu soo dhaweeyey kula hadlayey madax-dhaqameedka martida loo ahaa, ayaa uga mahadceliyey marti-qaadka loo fidiyey iyo sida loo soo dhaweeyey.
Suldaan Xasan Sul. Cabdilaahi waxa uu sheegay in wax-isweyndiinta beeluhu ku qotonta Dhaqanka Soo-jireenka ah ee dadka walaalaha ah, isla markaana ku booriyey in midnimada go’aamada Shirka beeshaasi tahay mid ka tarjumaysa midnimada beelaha kale ee Somaliland.
“Waa dhaqankeenii soo jireenka ahaa in Beeluhu ay wax iswaydiiyaan midnimadiinu waa midnimadayada, waana midnimada qaranka Somaliland iyo midnimada mandaqada iinsha-Illaah waanu dhageysan doonaa, waana is waraysan doonaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi
Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa mahadnaq u jeediyey Suldaanka Guud ee Habar Yoonis iyo madax-dhaqameedka ka qayb-qaatay soo-dhaweyntooda.
“Suldaan guud ee beelaha Habar-yoonis, Madax-dhaqmeedka, wax garadka, marti sharafta iyo Dadweynaha reer Ceerigaabo ee sida tiiran noogu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo waxaan uga mahad-naqayaa soo dhawayntaas ay nagu soo dhaweyeen. Shalay (Dorraad) ayaanu ka soo ababaxnay Magaalada Hargeysa weftiga qaarna waxay ka soo an babaxeen Burco io Hargeysa. Markii aanu martiqaad ka helnay Suldaanka guud ee beesha Habar-yoonis iyo shir-gudoonka intaas aanu wadada ku soo jirnay ee aanu soo soconay dawlad iyo shacabkaba waxa ka muuqday dareen aad loogu faraxsan yahay soo kicitaankayaga.”
Boqor Maxamuud Carab ayaa sheegay inay imaanshiyahoodu ka tarjumayo ajiibitaanka marti-qaadka loo fidiyey, “Waxaanu halkan ku nimi marti qaadkii na looga soo fidiyey shir weynaha Beelaha Habaryoonis ajiibataankiisa ayaanu halkan ku nimi yeedhitaanka aad noogu yedheena waanu idiinka mahad-celinaynaa. Waana shirkayagii, waana dantayadii oo Beelaha reer Somaliland waa is-ku dan oo waxaad intaas ka shaqaynayseen ee aad noo hagaajinayseen waad noo wada shaqaynayseen waana idinka mahadcelinaynaa,” ayuu yidhi Boqor Maxamuud Carab.
Muj Ibraahim (Dhegaweyne) oo weftiga madax-dhaqameedka la socday, ayaa u mahadceliyey Suldaan Guud ee Beelaha gogoshu u taalo iyo madax-dhaqameedka kale ee ka shaqeeyey hirgelinta iyo qabsoomidda shirka iyo in lagu marti-qaado, isaga oo ku tilmaamay inuu shirkaasi yahay mid loo qabtay danta Guud ee umadda dalka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan marka hore u mahad-naqayaa Suldaanka guud iyo salaadiinta iyo shir gudoonka iyo dadkii abaabulay shirkan, waxaan leeyahay dhamanatiin waa shir aad noo wada qabateen. Waa mid danteena iyo ta Ummaddeena ku jirto, waana mid aanu u arkayno inaad wanaag noogu qabateen, waana idiinku mahad-naqaynaa sida wanaagsan ee aad noogu martiqadeen ee aad noogu yeedheen . waxaanu salaam idinka sidnaa Ummaddii aanu ka nimi oo soo dhawaynta waxa nalagaga bilaabay laamiga oo meel walba waxaanu ugu nimi wallaal-tinimo farax iyo soo dhawayn, waxaanu leenahay shirkana waanu tagaynaa.”
Suldaan-Cali Yuusuf Cabdi (Badda-cas) oo ku hadlay afka Madax-dhaqameedka madasha gogosha shirku taallo, ayaa soo dhaweeyey weftiga la marti-qaaday, uguna mahad-naqay sida ay u ajiibeen marti-qaadkooda, “Aniga oo ah Suldaan Cali Yuusuf Cabdi waxaan leeyahay ku soo dhawaada oo waanu idinku soo dhawaynaynaa oo wadanku waa wadankiinii, waa wadanka aad u dhalateen, waana Gobalkinii ee waxaanu leenahay Boqoro iyo Saladiinba ku soo dhawaada sida farxad ah ee aad noo soo ajiibteen waad ku mahadsan tihiin,” ayuu yidhi Suldaan Cali Yuusuf Cabdi (Badda Cas).
Si kastaba ha ahaatee, waxa filayaa in maanta la soo gunaanado wejiga Koowaad ee shirka Daallo isla markaana laga soo saaro go’aamadii laysla qaatay muddadii uu socday.









