Hoggaanka Ururka Midowga Afrika oo markii ugu horreysay Haweenay loo doortay
Addis Ababa, 17 July, 2012 (Ogaal)- Madaxda ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horreysay haweeney u doortay inay hoggaamiso Midowga Afrika, taasoo ah wasiirradda arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo dhowr wareeg oo doorasho ah kaga guleysatay hoggaamiyihii Midowga Afrika, Jean Ping oo u dhashay dalka Gaaboon, isla markaana xilkaas soo hayey tan iyo 28 April, 2008 xilkaas loo dhaariyey.
Tartanka loo galay hoggaanka ururka oo maalmihii u dambeeyey ka socday xarunta ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa oo habeen hore gunaanadkeedii ay isku qaabileen labadii qof ee isugu hadhay, waxay Mrs Dlamini-Zuma oo 63-jir ah ay kaga guuleysatay Jean Ping oo 37-jir ah kadib afar wareeg oo doorasho ah, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo haweeney ay hoggaanka ururka qabato tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1963-kii.
“Waxaynu doorannay Madame Zuma oo hoggaamin doonta mustaqbalka ururka Midowga Afrika,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Benin, Thomas Boni Yayi, iyadoo shir-guddoomin doonta kulankii shalay dhammaaday Midowga Afrika.
Guddoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika oo ahayd xaaska madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma, waxa ay u hore xil uga soo qabatay wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Caafimaadka iyo wakhtigan oo ay hayso jagada wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Koonfur Afrika.
“Tan micnaheedu waa in Qaaradda Afrika ay isbeddeshay oo awood la siinayo haweenka, taasina waa muhiim,” ayay tidhi Mrs Zuma oo sheegtay inay wax badan ka beddeli doonto habka uu u shaqeeyo ururka Midowga Afrika.
Madaxweynayaasha Afrika oo ka hadlay sida ay u arkaan guusha ay gaadhay Zuma, ayaa ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, waxaana madaxweynaha Uganda oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii hadlay uu sheegay in Zuma ay tahay haweenay xorriyadda dalkeeda u dagaalantay isla markaana dabeecadda Cunsurnimadu ka dheertahay.
Guddoomiyihii hore ee ururka Midowga Afrika, Jean Ping ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee xilka kaga guuleysatay, isagoo sheegay inuu la shaqeyn doono.
Mrs Zuma ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horreysay ee qabata hoggaanka ururka Midowga Afrika, isla markaana sidoo kale noqonaysa shakhsigii ugu horreeyey dalka Koonfur Afrika ee jagadaas loo doorto.
Xilli hore oo ahayd maalinimadii Axadda ka hor intii aan loo coday, Dlamini-Zuma waxa ay meesha ka saartay baqdin laga qabay in Dalka Koonfur Afrika oo ugu dhaqaale badan qaaradda, uu hoggaanka ururka Midowga Afrika u adeegsado, inuu gacanta ku dhigo awoodda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Qaaradda.









