Xukuumadda Somaliland oo mar kale Ku baaqday gurmad loo fidiyo Dadka ku Tabaaleysan Gobollada Awdal iyo Selel
Hargeysa, 17 July, 2012 (Ogaal)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdlilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo weftigii uu hoggaaminayey ee muddada shanta maalmood ah socdaalka hawleed ku marayey deegaanada ay abaaruhu saameeyeen ee Gobolada Selel iyo Awdal, ayaa shalay dib ugu soo noqday caasimada Hargeysa isla markaana baaq u jeediyay in beesha caalamku ay gargaar la gaadhaan abaaraha ku dhuftay gobollada Somaliland Qaarkood.
Madaxweyne ku-xigeenka oo markii uu Hargeysa soo gaadhay warbaahinta uga warbixiyey xaaladda gobolladaas, waxa uu baaq u jeediyey waddamada Deriska iyo guud ahaanba Beesha Caalamka, isaga oo ka codsaday in Somaliland lagu teegeero dedaalka ay ugu jirto hakinta dhibaatada iyo waxyeeladda ay Abaarta Afar sano jirsatay ka geysatay Gobolada Galbeed ee Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay inay Indhahooda ku soo arkeen khasaaraha ka dhashay biyo la’aanta iyo xaalufka ay sababtay Abaartaasi oo sidoo kale Carruurta iyo dadka Waayeelka ah ku abuurtay Nafaqo-darro, keentayna Cunto-yari baahsan oo ka jirta Deegaamadaasi.
“Waxaanu ku soo wareegnay Gobalada Awdal iyo Selel anaga oo warbixinta aanu haynay ahayd abaar soo jiitantay dhawr sannadood oo intaas oo dhan way u socotay taakuladu, hadana runtii waxaanu ku soo aragnay xaalad aad iyo aad u dag oo dadkii ay xoolihii ka dhamaadeen, xagga nafdooduna dhimasho ayuun baanaan arrag ee aad iyo aad ayey u liteen. Waliba dadka nugul ee Carruurta, waayeelka iyo haweenka oo ay hayso nafaqa-daro xoog ah. Cabashada iyo baahida ugu badanina waxay ahayd Biyaha,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Saylici.
Geesta kale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir oo ka mid ah Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa ka warramay baaxadda khasaaraha ay ku soo arkeen deegamada Abaartu saamaysay, waxaanu ku baaqay in si deg-deg ah dadkaas loola gaadho waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka.
“Runtii meel meel dhantaa may jirin. Dhamaan dhulka abaartu si xooga ayey u saamaysay. Laakiin dadka nugul ee Carruurta, Dadka waaweyn iyo Dumarkana nafaqo-darradu way samaysay. Xoolihiina way gajoodeen oo Geela oo ahaa xoolaha ugu adag ayaa dhintay markay wayeen daaq. Waxaad arkaysaa mararka qaar xoolo iska yaala waddooyinka oo ay dadkii is-kaga tageen. Waxay dadkaasi u bahan yihiin Biyo deg-deg ah, Cuntooyin iyo daawooyin,” ayuu yidhi Wasiir Cabdi aw-Daahir.
Weftiga madaxweynaha waxaa xubno ka ah mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaraddaha Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi aw-Daahir, Wasiirka Dib-u Dejinta Cabdirasaaq Cali Cismaan, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele, Wasiir-ku xigeenka Waxbarashada Cali Xaamid Jibriil, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Bariga Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, iyo Xildhibaanno ka tirsan golayaasha Qaran.









