Guddoomiyaha Degmada Maxmed Mooge oo ka qayb galay kulan Qaadhaan loogu ururinayo Biriij laga dhisayo Xaafadaas
Hargeysa, 15 July, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha degmada Maxamed Mooge ee caasimada Hargaysa Md Maxamed C/laahi ayaa ka qayb galay kulan qaadhaan loogu ururinayo biriish la doonayo in laga dhiso xaafadaasi.
Kulankaasi oo shalay lagu qabtay isla xaafadaasi ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha degmadaasi, xubno ka mid ah guddida dhisida biriishkaasi, odayaasha xaafadaasi, salaadiin, cuqaal, culimad diin, aqoon yahano, waxgarad, dhalinyaro iyo dadwayne kale.
Guddoomiyaha degmada Maxamed Mooge Md Maxamed Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka ku dhaqan degmadaasi haddii ay iskaashadaan in ay dhisan karaan biriishkaasi Waxaanu yidhi “haddii ay dawlada hoose bixin waydo waxa ay ugu talo gashay dhismaha biriishkaasi waxaynu odhanaynaa anaga ayaa dhisanayna ee hanoo fasaxdo dhakhliga degmada, waanaynu samaysan karnaa biriishkaasi, umadu marka ay aragto inaga oo wax qabsanayna way ina caawinayaan, haday dawlada dhexe tahay, haday dawlada hoose tahay iyo ganacsatada reer Somaliland qofku cid caawisa garan mayo. waxaan idinkula dardaarmayaa hadii aad tihiin dadka ku dhaqan degmadan qoxooti ma tihidine balaayo aan jirin ayaynaan sahadsane si aynu horumar u gaadhno oo aynu degmadeena u hagaajisano.”
Caaqil Xasan Ibraahim xuseen oo ah guddoomiyaha guddida dhisida biriishkaasi kana mid ah cuqaasha Somaliland oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay dadka xaafadda qiimo-weyn ugu fadhido inay ku tashadaan dhismaha buundada si looga hortago dhibaato ka dhalata daadka wakhtiyada roobka. Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen waxa uu xusay in dhismaha buundada ay ku baxayso adduun dhan $46,000 ka dib markii ay qiimeeyeen Injineerrada shirkadda UNICO, isla markaana ay u bandhigeen Duqa Caasimadda oo ku qancay una ballan-qaaday inuu kala qayb-qaadanayo dhismaheeda.
Guddoomiyaha guddida dhisida biriishkaasi waxa kale oo uu sheegay in haddii dadwaynaha ku dhaqan degmada Maxamed Mooge in ay dhisan karaan biriishkaaasi, “degmadani waa degmo wayn oo qiime leh, waanay awoodi kartaa in aynu biriishkan dhisano, haddii dadka degna iyo kuwa dibadu ay is kaashadaan, cid biriishkan loo samaynayaa waa inaga, kuwa dalbanaya in loo dhiso guddo iyo dibadba waa inaga, markaa waa in aynu inagu ka qayb qaadanaa oo aan lacagta baxaysa bixino, waxaanan u samaynay akoon Zaad ah oo loogu diro lacagta tabaruca ah qofkii doonaya in uu ka qayb qaato, waana lanbarka ah 483433 Zaad ah, waxaanu codsanayanaa in laga qayb qaato oo lanbarkaa lagu soo diro.”
Odayaal, saladiin, culimo iyo waxgarad kale oo ka mid ahaa masuuliyiintii kulankaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodba ka waramay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhiso biriishkaasi oo ay sheegeen in uu dhibaato badan ku hayo dadka ku dahqan degmadaasi isla markaana ay laagtaasi dad badan qaaday xiliyada uu roobku da’o, waxaanau ugu baaqeen cid kasta oo ka qayb qaadan karta dhisida biriishkaasi in ay qaybtooda ka qaataan.









