Somalia: Alshabaab oo lagala Wareegay Deegaan muhiimad gaar ah u lahaa
Muqdisho, 12 July 2012 (Ogaal )-Ciidamada dawladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya i oo gacan ka helaya kuwa AMISOM, ayaa dagaal ku qabsaday shalay deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ahayd saldhig weyn oo malleeshiyaddka Al-shabaab ay ku tababarto xoogaggeeda.
Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa waxaa gacan ku-haynta deegaankaasi la waareegay ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dawladda ku-meel-gaadhka ah oo wata gaadiidka dagaalka oo ay ka mid yihiin taangiyo, sida ay sheegeen dadka deegaankaas ku sugan.
“Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Laanta-buuro oo saldhig u ahayd malleeshiyaddka Al-shabaab, khasaare waa jiraa laakiin dhinaca dawladda wuu ku yar yahay,” ayuu yidhi Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ka mid ah saraakiisha dawladda ku-meel-gaadh ah ee howgalkan ka qaybqaatay.
Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamada dawladda ku-meel-gaadha ah ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkaas 11-dagaalyahan oo ka tirsan malleeshiyaadka Al-shabaab, isagoo sheegay inaanu jiirn wax khasaare ah oo dhankooda soo gaadhay, haseyeeshee ma jiraan warar madax-bannaan oo tilmaamaya xaqiiqada dhabta ah ee Khasaaraha dagaalkii shalay.
Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti ayaa isaguna sheegay in howgalka ay iska kaashadeen ciidamada dowladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM una suuro-gashay inay ku qabsadaan deegaanka Laanta-buuro oo 40 km dhinaca Galbeed kaga beeggan Muqdisho.
“Ujeeddadayadu waa inaan xaqiijinno ammaanka shacabka Soomaaliyeed sidoo kalena laga hortago weerarrada kaga imaanaya argagaxisada,” ayuu yidhi Jen. Gutti oo sheegay inay sii socon doonaan dagaallada ay kula jiraan maleeshiyadka Al-shabaab.
Malleeshiyaddka Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalka lagaga qabsaday deegaanka Laanta-buuro oo ahayd goobtii ay saldhigga ka dhigteen markii lagala wareegay gacan ku haynta degmada Afgooye oo 30 km dhinaca Woqooyi-galbeed kaga beeggan magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.









