CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Guddida Doorashooyinka Qaranka oo Kormeer ay ku dar-dar gelinayaan Xafiisyadooda ugu ambo-baxay Gobollada Bari ee Dalka

Hargeysa, 11 July, 2012 (Ogaal)- Xubno ka tirsan Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay sheegeen inay u tageen dardar-gelinta xafiisyada Guddida doorashooyinku ku leeyihiin gobolkaas.

Wefti ka kooban qaar ka mid ah Guddiga Doorashooyinka oo uu hoggaaminaayey Faarax Abiib Aadan oo ay wehelinayeen Cabdiraxmaan Dixood iyo xubno kale oo ka mida Guddida doorashooyinka qaranka, ayaa ujeedada safarkooda Sanaag ku sheegay inay furayaan Xafiisyadii gobollada dalka ee Guddida doorashooyinku ku lahaayeen, isla markaana ay qiimayn ku sameeyaan agabka ay Xafiisyadaasi u baahan yihiin, iyadoo ay sheegeen in diyaar garaw loogu jiro Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka oo dhawaan dalka ka qabsoomi doona.

Faarax Abiib Aadan oo Xubnahan waftigan Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland oo hogaaminaayey, ayaa Warbaahinta u sheegay in Safarkoodu la xidhiidho dar-dar gelinta hawlaha Xafiisyada ay gobollada dalka ku leeyihiin, waxaanu shaaciyey in Xubnaha guddida doorashooyinku ay laba dhinac u kala baxeen, isla markaana ay iyagu (Waftigoodu) dhinaca gobollada bariga Somaliland u baxeen, iyadoo uu sheegay inay soo marayaan gobollada Sool iyo Togdheer.

Waa markii ugu horeysay ee ay Guddida doorashooyinka qaranku kormeer ay ku diyaar garaynayaan Xafiisyadooda gobollada dalka ay sameeyaan, iyadoo la filayo inay Sanadkan qabsoonto Doorashadii goleyaasha deegaanka Somaliland.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE