CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar-Yoonis oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ceerigaabo

Ceerigaabo, 10 July, 2012 (Ogaal)- Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa shalay mawjado dad ah oo isagu jiray Boqorro, salaadiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haween ay si diirran ugu soo dhaweeyeen magaalada Ceerigaabo, halkaas oo suldaanka iyo madax dhaqameed kale oo safarkiisa ku wehelinaayey lagu soo wareejiyey jidadka halbowlaha u ah magaalada Ceerigaabo.

Waxa kale oo soo dhaweynta Suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis Suldaan maxamed Suldaan Xirsi Qani ka qayb qaatey madaxda gobolka Sanaag oo ay ka mid yihiin maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Geeljire.

Suldaanka Guud oo hoggaaminaayey Salaadiin, Boqorro, Cuqaal iyo wax-garad kale ayaa saaka waabeerigii ka anbabaxay magaalada Ceel-afweyn halkaas oo uu xalay ku hakaday markii casuumad ballaadhan loogu sameeyay. Suldaanka guud oo habeen hore ka galab-caraabay magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in hadafkiisu yahay inuu ka qeyb galo shirka dhaqan ee ka socda buurta Daallo.

Suldaanka oo muddo hawlo shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa halkaas guul taariikhda gashay kala soo guryanoqday soona furdaamiyey dad reer guuraaya oo ciidamada new booliiska kililka shanaad xabsiyada dalka itoobiya u taxaabeen iyaga iyo agabkoodiiba.

Suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Xirsi Qani ayaa shalay Casuumad ballaadhan loogu sameeyay magaalada Ceerigaabo, casuumaddaas oo la sheegay inay kala qeyb galeen in ka badan 20 madax dhaqameed oo isagu jira salaadiin, boqoro iyo cuqaal.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE