Maamulka Dekedda Berbera oo ka hadlay Markab Xalay Fiidkii Dab ku qabsaday Dekedda Magaaalada Berbera
Berbera, 10 July, 2012 (Ogaal)- Maamulka Dekedda Berbera ayaa ka hadlay Markab nooca Xamuulka qaada ah magaciisana la yidhaahdo Al-Iman isla markaana la sheegay inuu leeyahay Ganacsatada Xoolaha Dalka ka dhoofiya ee Al-Jaabiri oo xalay fiidkii dab ku qabsaday isaga oo ku xidhan dekedda magaalada Berbera.
Hawl-galka deminta dadka Markabka qabsaday oo socotay muddo laba saacadood ah waxa si weyn uga qayb-qaatay Hawl-wadeennada, masuuliyiinta maamulka Dekedda Berbera iyo ganacsato gacan ka geystay bakhtiintiisa.
Ku-xigeenka Maareeyaha Dekedda Berbera Cumar Abokor Jaamac isla markaana ah ku-simaha Maareeyaha Dekeeda oo warbaahinta ugu Warramay dekedda magaalada Berbera, ayaa sheegay in dabku qabsaday markabka wakhti ku siman Sallaaddii Makhrib isla markaana ay bakhtiintiisu ku qaadatay laba saacadood. Isaga oo ka warramaya wasxa uu yidhi, “Markabka Al-iimaan oo Caws la saaray ayaa dab ka dhashay, waxaanan filaynay inuu ka dhashay Kiliigga Markabka oo Xoolo qaadayey.” Waxa uu Maareeyuhu sheegay in gubashada Markabka lagu wargeliyey wakhti la tukanayey Salaadda Makhrib, markii aanu nimidna waxaanu aragnay olol cirka isku shareeray. Illahaybaa mahad iska leh oo nagu guuleeyey inaanu bakhtiinno.”
Mr. Cumar Abokor waxa uu u mahadceliyey Shaaqalaha Dawladda iyo Ganacsato kala qayb-qaatay Gurmadka bakhtiinta Dabka Markabka qabsaday, waxaanu sheegay inay weli ku hawlan yihiin sababta dhabka ah ee dabku ka dhashay.









