“Madaxweynuhu Laangab iyo laandheeraba isaga ayaa Madaxweyne u ah. Inuu cid uun ku mashquulo maaha”
Hargeysa, 10 July 2012 (Ogaal)-Boqor Axmed Iimaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka dadka laga tiro badan yahay oo hadlay xeerka shalay ay Golaha Wakiilada Somaliland ay dib ugu celiyeen Madaxweynaha Somaliland, ayaa Madaxweyne Silaanyo ka dalbay inuu beelaha laga tirabadan yahay wax kasiiyo dawladdiisa.
Boqor Axmed waxa uu sheegay in qof kasta oo Eebbe Cadaaladda garansiiyey aanu soo dhawaynayn xeerka Golaha loo soo gudbiyey, isaga oo ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Qof walba oo damiir leh ama in uun ay cadaaladdi ay ku jirto xeerkan ma soo dhaweenaayo. Anaguna kuwaas oo uun baa la mid nahay. Xeerkani waa xeer aanu marnaba soo dhawaynayn oo aanu raali ka noqonayn. Sida bila aadamka wax ha ha lanoo siiyo ama ha la is-kadaayo,”
Boqor Axmed Iimaan waxa uu Madaxweyna Somaliland u soo jeediyey in dawladiisa dhexe ee uu gacanta ku hayo wax ka siiyo dadka laga tira badan yahay oo uu sheegay inay ka maqan yihiin xukuumada Madaxweyne Silaanyo, waxaanu yidhi. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waa Madaxweynahayagii Laangab iyo laandheeraba isaga ayaa Madaxweyne u ah. Inuu cid uun ku mashquulo maaha Madaxweynuhu. Halka uu ka leeyahay Baarlamaanka wax halaga siiyo, horta dawladiisa wax hanagasiiyo. Wasiiro ayaa jira ee wax nagasiiyo Agaasimayaasha ee dawlada dhexe ee uu gacanta isagu ku hayo ee aanu ka madhanahay.”









