Shirka Daallo: Duur-xulkii Cirro, Dalabkii Waran-cadde, Dardaarankii Siciid Sulub iyo Magacyada Shirguddoonka
Ceerigaabo, 08 July 2012 (Ogaal)- Shirka beelaha Habar/yoonis uga socda Buurta Daallo ee duleedka magaalada Ceerigaabo, ayaa shalay lagu doortay shirguddoon, isla markaana waxa khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Udub.
Shirkan Talo iyo Tawfiiq ayaa shalay waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti uu hogaaminayo. Xaflad lagu qabtay barxda dhexe ee shirka ayaa sida uu ku soo warramay weriye Xasan Cumar Xasan, waxa laysku waydaarsaday kaftan. Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa shirka ka jeediyay, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inaan shirku noqon mid siyaasadda lagaga hadlo.
“Shirka waxaan u rajaynayaa inuu noqdo mid magac leh, taariikh leh oo wax la xasuustaa ka soo baxaan oo uu ahaado mid midnimada, qaranimada, gooni-isu-taagga iyo go’aanka shacabka Somaliland taageeraya. Waxaan boqolkiiba boqol shirka ku taageersanay inuu noqdo mid dhaqan ee aanu noqon mid siyaasadda lagaga hadlo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, isaga oo hadalkiisa sii watana wuxuu intaa ku daray, “Maaha shirkii ugu horeeyay ee Beeshu qabsato, waxaa jiray shirar waawayn oo qaarkood magacyo iyo xasuus dadka Somaliland ku yeeshay, waxaana lagaga hadlay wax ka wayn dan reer oo ah Qaranimo iyo dawladnimo, waana shirkii ka dhacay Laan-mullaaxo (1957). Shirkaas waxa lagu taloy Kabihii Dawladnimada, cidii gashan lahayd idinka iyo aabayaashiin ayaa tolay, waxaana loo geliyay Illaahay ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxaanan rajaynayaa inaad mar labaad tolaysaan Kabihii Madaxtinimada cusub ee Somaliland. Kabahaa cusub ee laga yaabo inaad halkan ku toshaan, waxaan diyaar u ahay inaan noqdo qofkii gashan lahaa, waxanan filayaa inaad fariintaydaas fahanteen…….Mucaaridaduna maaha inaad shalay wax amaanto maantana caydo.”
Wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawada Cali Maxamed Warancade oo isaguna shirkaas ka hadlay ayaa ku cel-celiyay in Beeshu kala reebto saddexda musharrax ee u taagan Madaxweynenimada Somaliland. “Haddii reerka ay Baarqabyadu ku bataan oo reerku awood u yeelan waayo inuu Baarqabyada kala dabro oo sanadba mid soo saaro waxyeelo ayay leedahay, waayo, reeraha kale ee Somaliland-ba waxay qabsadeen shirar kuwiinan oo kale ah, iyaga oo Siyaasada hunguraynaya, waxaanay awoodeen inay Baarqabyadooda kala dabraan si ay u gaadhaan halka ay doonayaan, waanay gaadheen oo way ku guulaysteen, markaas waxaan Beesha leeyahay saddexdayadaas Baarqabyada ah waxaad isku daydaan inaad hagaajisaan oo aad mid uun rarataan.”
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Guryanyta ee dawladdii UDUB Siciid Sulub Maxamed oo isaguna hadal waano iyo dardaaran isugu jira madasha ka jeediyay ayaa sheegay in Beeshu midnimo iyo talo guud oo ay ka midaysan tahay ay gaadho. “Saddexda musharrax ee beeshu leedahay anigu Cali ayaanu wada soconaa, haybna kuma wada socono ee mabda’ Xisbi ayaanu ku wada soconaa iyo dadnimo, kumanaanu soo tashan inaanu Siyaasad idin dhex-dhigno, waxaana aan taageersanay inaan Siyaasadda reerka lagu soo qaadin ee Shirku ahaado mid dhaqan, waayo, hadii Siyaasad la dhex-geliyo nin jeclaysi iyo reer jeclaysi ayaa iman kara. Shirkana waa lagu kala tagayaa. Shirka Habaryoonis ma noqon doono nin siyaasada u soo ban-baxay inuu godob ka galo oo uu yidhaahdo ‘adigu Siyaasada ka bax’ mana noqon doono ‘adiga hebelow waa lagu caleema saaray,’ hadii ay aqoon iyo caqli ay leeyihiin saddexdaa hogaamiye ee raba inay Somaliland hogaamiyaan iyagu ha isu tageen oo mid ha soo saareen.”
Gebogebadii shirka waxa lagu yeedhiyay magacyada Shir-guddoonka hogaaminaya shirka muddada uu soconayo, waxaana Guuddomiyaha Shirka loo doortay Yaasiin Cabdi Cali, Guddoomiyaha ku-xigeenka koowaad Dr. Cabdiraxmaan Axmed Raage, Guddoomiye ku-xigeenka labaad Xasan Axmed Xasan, Afhayeenka waxa loo doortay Yaasiin Saleebaan Maxamed, halka Xoghaya loo doortay Xasan Xuseen Faarax, Xoghaye ku-xigeenka koowaad waxa loo doortay Muuse Good iyo Cabdixakiim Muuse Cali oo loo doortay Xoghayaha saddexaad.









