Hoggaamiyaha Kooxda ku Qawlaysata Mashruuca Khaatumo oo Qirtay Burbur laxaad leh oo soo food-saaray
Taleex, 08 July, 2012 (Ogaal)- Hoggaamiyaha Kooxda la magac-baxday Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan (Axmed-Karaash), ayaa shaaca ka qaaday burbur iyo khilaaf baaxad leh oo soo foodsaaray Kooxda nabad-diidka ah ee uu horjoogaha u yahay isaga oo xusay in shacabka ku nool deegaamada ay ku dhuumaalaysanayaan ka soo horjeedsadeen mashruucooda isla markaana dagaal baxaad leh kaga socdo dhinac walba.
Axmed-Karaash oo ku magacaaban madaxweynaha Kooxda Xambaarsan mashruuca Khaatumo, ayaa sidan ku sheegay shir-telefoon (Teleconference) uu kula hadlayey qaar ka mid ah taageerayaasha mashruucooda kharashka ku bixiya ee ku nool dalalka Qurbaha, isla markaana codka wada-sheekaysigooda oo si sir ah looga duubay, laguna soo bandhigay Warbaahinta Internetka, waxa uu ka cawday dhaqaale la’aan iyo go’doon ku haysta degmada Taleex oo uu ku sugan yahay, isaga oo ka hadlay in Ciidan uu meesha ku haystay oo uu qiray inay Qoyskiisa u badnaayeen, ay kala yaaceen.
Horjoogaha nabad-diidka ahi waxa uu oo muddo soddon daqiiqo xidhiidhka shirka telefoonka kula hadlayey taageerayaashiisu, waxa uu sheegay in mashruuca lagu heshiiyey ee Khaatumo aanay waxba ka fulin, isla markaana dadka deegaanka ku nooli ay diideen inay siiyaan Xoolo uu Sako ku sheegay.
Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Wixii lagu ballamay runtii may fulin, wixii ugu waynaa waxa uu ahaa in lakeeno maaliyaddii lagu hawl-galli lahaa tiina may fulin. Beelaha degaanka sidii ay wax u ballan qaadeen umay bixin. Caqabadaha ugu wayn ee na hortaagan waa guul, guushiina waxay leedahay nidaam.” Waxa uu hadalkiisa ku sii daray, “Immikana waxa noogu daran Ciidankii oo intii yarayd ee meesha joogtay ee jilibkayga ahayd uunbaa meesha taagan. Maxaa kaligayo nagu koobay ayaa ah haddalada ugu badan ee aad iyo aad aanu uga jawaabi-karayn. Waa wax cad oo la arki karo wax adduun ah oo loo hayaana majiraan wayna ka yacaayaan meeshii. Markaawaa arrimo cusub oo aanu hore u dhamaystirin arrinkaasi aad iyo aad ayuu noogu fool xun yahay.”
Horjoogaha Khaatumo isaga oo ka hadlaya sida ay dadka deegaanku u fahmeen mashruucooda waxa uu yidhi, “Dadkii gudaha joogay arrinkaasi way nala fahmi la’yihiin umana soo jeedaan in arrinkan wax lagu bixiyo, oo haddii meesha intaas yari ay ka bixi lahayd oo boqolaalkaas anaga ah ee xoolaha leh ee hareeraha naga dhaafaaya haddii ay xoolaha sakada ka bixiyaan ciidanka waxbay u noqon lahayd.”
Isaga oo taageerayaashii u sheegaya qaabka uu ugu dhow yahay inuu fashilmo qorshahooda dhowrka nin ku heshiiyeen, sidoo kalena, xod-xodasho dhaqaale raadis ka baadi-doonaya, waxa uu ku yidhi dadka kula jiray khadka telefonka, “Waxa kale oo jira dadkii xoogiibaan laga helayn, anagiina cidhiidhibaa nalagu hayaa. Sidaad noo doorateen waanu hareeraysanahay oo cidhiidhi ayaanu ku jirnaa. Isku soo wada duuboo waxaanu jecel nahay inaanaan dadka gudaha isku halayn, waxaanu is waydiinaynay inay meesha joogan ay ka baxaan oo ay reerihii aadaan. Haddii ay ciidan keenin oo ay meeshaas fadhiyaan, anaguna Madaxweyne sheegan-karimayno oo waxbaa ka horeeya.”
Hoggaamiye Axmed-Karaash waxa uu ku calaacalay in xaaladda ay ku jiraan ku kallifi doonto inay jabhadeeyaan oo ay dhul-jiifnimo kula kacaan dadka iy gaadiidka safarka ah si ay u sii jiraan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Waa inaanu baabuur kaxaysanaa oo aanu xoolaha iska soo guranaa oo way na kallifi doontaa inaanu jabhadeyno oo dariiqyada istaagno oo aanu kala dagno shiidaalka, Raashinka iyo wixii baad ahba waanu is-waydiinaynay. Wixii yaraa ee aanu haynay ee shidaala iyo gadiidkiiba gacantayada way ka baxday haddii wax badan oo dhaqaale ahna aanu ku heli lahayna, gudaha meel aanu cashuurnaba mahayno immika.”
Axmed-Karaash waxaa uu eedeyn u jeediyey Labada nine ee Mashruuca Khaatumo ku weheliya ee Cali Khaliif iyo Cali Ciise oo uu sheegay inay markii hore ballan-qaadeen in maamulka iyagu debberi doonaan balse, sida uu sheegay, ay wax lala yaabo noqotay in muddo 7 bilood ah ka dib la baryayo islaan caydh Yurub ku qaadata.
Axmed waxaa uu hadalkiisa si rasmi ah ugu shaaciyay in mashruuca Khaatumo ku eg yahay oo kaliya xoogga qurbajoogga ah oo aan ka war hayn xaaladda dhulkooda Hooyo.









