Wariye Ka Tirsan Telefishinka Universal oo xalay lagu toogtay magaalada Muqdisho
Muqdisha,08 July, 2012 (Ogaal)- Wariye Cabdiqaadir Cumar Cabdulle oo ka tirsan wariyeyaasha Telefishinka Universal uga hawl-gala magaalada Muqdisho, ayaa koox hubeysan xalay fiidnimadii ku toogteen gurigii magaalada Muqdisho.
Wariye Cabdiqaadir Cumar Cabdille ayay Kooxo baastoolado ku hubaysan xabbado ku fureen isaga oo ku sugan Kaabadda hore ee gurigiisa oo uu ku nasanayey, waxaana dhaawacyo ka soo gaadheen xabbado ka qabsaday Caloosha iyo Lugta bidix.
Kooxaha isku-dayga dil ku fuliyey wariyaha oo ahaa laba nin oo baastooladu ku hubaysan, ayaa baxsaday markii ay wariyaha dhaawaca u geyteen, waxaana dhaawaca wariyaha markiiba loola Cararay Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,
Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalo xad-gudubyo kala duwan loogu geysto Suxufiyiinta ka hawl-gala, waxaana lixdii bilood ee ugu horreysay lagu dilay wariyeyaal tiradoodu gaadhayso afar, halka tiro intaas ku dhowna dhaawacyo loogu geysto falal sidanoo kale layskugu dayey in lagu khaarajiyo.









