CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Afhayeenka UDUB oo Xubno Kulmiye iyo Wasiirrada ah ku sheegay Qaar u hoggaansan Labada ka mid Golaha Wasiirrada oo uu ku Eedeeyey Dhaqamo Shakhsiyaad Somaliland laga neceb yahay

Hargeysa, 05 July, 2012 (Ogaal)-  Afhayeenkaa Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Gurey), ayaa Xisbiga talada dalka haya iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyey inay ku dhaqmayaan ficillo uu sheegay inay Fool-xumo u yaqaaneen wakhtigii ololaha doorashada madaxweynaha lagu jiray.

Muj. Cali Guray oo shalay ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweeyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xaalad Caafimaad dalka dibadiisa ugu maqnaa, waxa uu sheegay in  Xubnaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo Golaha wasiirradu ay yihiin qaar u hoggaansan labada wasiir ee Madaxtooyada iyo Arrimaha gudaha Xirsi Cali Xasan iyo Maxamed Nuur Duur.

 “Waxaan islahaa Cabdiraxmaan saaxiibadiisii Kulmiye qaar ka mida ah ayaa halkan iyaga oo iskaba iloobay wixii dhacay maalintii aynu garanayno, saaxiibtinimadu waa wax gaara laakiin nimanbaan halkan ka filayay inay halkan maanta Cabdiraxmaan ku soo dhaweeyaan, waxay ka baqayaan Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo markay is hortaagaan sidii inan gashaantiya,” ayuu yidhi Muj. Cali Guray.

Afhayeenka UDUB waxa uu dhaliilo u jeediyey Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda talada haysa oo ku sheegay inaanay ka soo bixin ballan-qaadyo ay shacabka u soo bandhigeen wakhtigii ololaha doorashada, “Anigu siyaasadda aad uga hadli maayo laakiin waxaan ka hadlayaa wixii Kulmiye Foolxumada u yiqiin markii ay kaambaynka doorashada ku jireen waxaa cad oo muuqata inay maanta qurux u arkaan oo ay ku faanayaan. Wixii ay shalay quruxda u yiqiiniin ee ballan-qaadyadooda ku jirey ee caddaalad lahaa ee madaxbaanaynta saxaafadda ahaa ee xoriyatul-qawlka lahaa, maanta waa wax ku fool xun idhahooda, waxay noqonaysaa markaa inay umaddani ku nooshay maalinba nin ay sacabka isagaga garacaan oo qabyaalad ku kaxaysta marka uu kursiga ku fuulana aan dib u soo eegin. Illaa ay umaddani ka koreyso taana sidaas ayuunbay ahaanayaan,” ayuu yidhi Muj. Cali Guray, isaga oo intaas ku daray, “Sidaas ayuunbaa maalin midi idiinku guurayaa oo dabadeed marka aad meesha saartaan dabadeed afar guruub oo kale inta uu farta idin ka saaro idiin ku ciyaarayaan.”

Cali Guray waxa uu si gaar ah dhaliilo ugu jeediyey labada Xubnood oo ka mid Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo oo uu ku eedeeyey inay leeyihiin dhaqamo lagu yaqiin labada shakhsi oo Somaliland Caan ka ah isla markaana aad looga necebyahay,  waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxay wadaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Madaxtooyadu anigu Gaani-yeyn iyo Moorgan-nayn ayaan u aqanaa, umadduna taa way ka soo dagaalantay oo mana aqbalayso ciidamadii loogu talo-galay in argagaxisada lagaga hortago ee loogu talogalay in amniga lugu sugo, maanta muwaadiniinta guryahooda ayaa lugu daataa, maanta waxaa loo adeegsadaa kuwii ugu karaamada badnaa Bulshada oo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid yahay , anagu, Cabdiraxnaan Cabdiqaadir iyo ragga nala midka ahi aqbali mayno, nalooma hanjabi karo, nalama hadidi karo, waxaad samayseen wax ka badan oo aad samayn kartaan ma jiro ayaan leeyahay Duur iyo Xirsiba”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE