CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Hargeysa: Cabashada Ganacsatada Bacayd-yaalka ah, Ceeryaanta Qorshaha Dawladda Hoose iyo Cidhiidhiga Weli ka taagan Waddooyinka Faras-magaalaha

Hargeysa, 05 July 2012 (Ogaal)-Goobo ku yaala faras-magaalaha Hargeysa oo Dawladda Hoose ee magaaladu ka rartay Ganacsato daynley ah oo uujeedada tallaabadaas loo qaaday ahayd si bilicda magaalada loo hagaajiyo, ayaa isu beddelay istaamo Baabuurta yar-yar lagu kireeyo iyo Parking la dhigto baabuurta, taas oo aan waxba ka beddelin qorshihii loogu talo-galay.

Ibraahim Faarax Dirir oo ka mid ah Ganacsata bacad-yaalka ah ee laga raray suuqa Waaheen, ayaa Maamulka Dawladda Hoose ku tilmaamay inay ku khasaareen qorshihii loogu talo-galay bilicda magaalada ee ganacsatada uu ka mid yahay lagaga raray goobihii ganacsigoodu ahaa, waxaanu sheegay inaanu waxba iska beddelin qaabkii iyo nidaamkii markii hore loogu ganacsanayey waddooyinka Faras-magaalaha.

Gacansatada bacad-yaalka ahi waxay sheegeen inay qorshaha Dawladda hoose ka filayeen in marka laga yimaaddo bannayn waddooyinka, lagu soo kordhin doono waxyaabo kale oo ka qayb-qaata isla markaana kor u qaada bilicda magaalada.

Ibraahim oo u warramay Wariye Cabdifataax Caarshe oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, waxa uu ka tilmaamo ka bixiyey isbeddelka ku yimi ganacsigooda iyo saamaynta taban ee qorshaha Dawladda Hoose ku yeeshay nolol-maalmeedkooda iyo Hantidooda.  “Mar haddii nalaga kiciyey anaga oo danyar ah oo biilina boqolaal qoys oo Xoolahoodiina  immika ay halkan ku silcaayan, halkii laga soo rarayna sidii bay u xidhan tahay oo wax kale oo laga beddelay majiraan. Waxa ku soo kordhay oo halkii aanu ka guurnay imika na beddelay gawaadhi farabadan oo sidii  aanu u daganayn uun bay waddadii u xidhan tahay. Maayarka waxan odhan lahaa, waxba maad soo kordhin hawshii aad lahayd waan qabtay waa isla halkii oo waxba iskamay beddelin bilicdii Magaalada Hargeysa. Wax muuqda oo aad ka soo saartay bilicdii magaalada ma jiraan, waxaanu odhan lahayn arrinkaas dib ugu noqo Maayir Jiciir,” ayuu yidhi Ibraahim.

Ibraahin Faarax Dirir oo ka hadlaya waxa iska beddelay ganacsigisii, waxa uu sheegay inuu markii hore uu lahaa Miis, balse uu maantana ku ganacsado Gaadhi-Gacan, isla markaana ay Khaatiyaan ka taagan yihiin askarta ay dawlada hoose oo uu sheegay in marka ay Gaadhi-gacanka ka kala ridaan, alaabada qaarkood laga xado, isaga oo xusay inay camal-la’aanta kaga gabbanayaan, waxaanu yidhi, “Anigu markii hore waxaan lahaa Miis wayn, imikana waxaan ahay Karyoon oo afar iyo labaatanka saacadood-ba wayna eryadaan Askarta dawlada hoose ay soo dirto, way daadiyaan oo inta nalaga iibsado waxa ka badan inta lanaga xadayo iyo inta lumaysa. Anagii markii hore la lahaa waxay xidheen waddadii ayaa dhaanney oo imika meeshii waxay isu-beddeshay istaan ay tagaasida yar-yari dhigtaan oo ay ka rakaabsadaan, waxa ugu baryaya waaga oo gabbalka ayaa ugu dhacaya.”

Siciid Maxamed oo isaguna ka mid ah  ganacsatada bacad-yaalka ah oo Miis Gaadhi-gacan u Saaran ku iibiya Kabaha, markii horena ka mid ahaa dadkii laga raray suuqa Waaheen, ayaa ku dooday inay markii hore qorshaha Dawladda hoose Ka filayeen inay Bilicda magaalada wax weyn u soo kordhi doonaan, balse iyaga lagu beddelay gaadiidka waddooyinka xidhay, “Markii hore ee dawlada hoose ay na raraysay waxaanu is lahayn meesha waxa laga dhigayaa meel qurux badan oo waxyaabo kale ayaa lagu soo kordhinayaa, balse may noqon ee waxa loo baneeyay baaburtan yar-yar. Maayar maxaad bilicdii aad sheegaysay ee magaalda ku soo kordhisay? Miyaad sidaad u dumisay masaakiinta aad mar labaad ku soo noqon wadada?. Dawlada Hoose markii ay dadka danyarta ah ay raraysay waxa ku dhintay dad maxayse soo kordhisay waatii lahayd iyaga ayaa bilicda magaalada xumaynaaya.  Maalinba gidaar ayaanu kaaryoonka soo dhiganaa oo meelaha leexsan ayaanu iska dhiganaa oo waxaanu kaga gabanaa bilaa-camalka,”ayuu yidhi Siciid oo Farriin u gudbinaya Maayarka Caasimadda.

Mar aanu isku daynay inaanu arrintan Macluumaad intaas dheer ka helno, waxa aanu tiraba laba jeer hawl-shaqo ku tagnay xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa si aanu masuuliyiinta wax uga weydiinno, balse nasiib-darro noomay suurto-galin inaanu masuuliyiinta Dawladda Hoose oo Maayarku ku jiro ka helno Xafiisyadooda iyada oo lanoo sheegay inay Hawlo kale ku maqan yihiin.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE