Taliyaha Ciidanka Illaaladda Xeebaha oo beeniyey in la iibiyey Xeradda Ciidanka ilaalada ee Berbera
Hargeysa, 05 July 2012 (Ogaal)-Taliyaha guud ee ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw-cismaan Cabdi, ayaa waxba kama jiraan ku timaamay warar lagu sheegay in la xaraashay Xarunta ciidanka ilaaladda xeebuhu ku leeyihiin magaaladda Berbera, balse imika aanay cidi deggenayn.
Taliyaha oo warbaahinta kula hadlayay magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inaanu jirin dhul Ciidanka Ilaalada Xeebuhu leeyihiin oo la iibiyey, isla markaana markii warka maqlay uu la xidhiidhay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Saldhigga Berbera, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Wargeyskan I hor yaala (Waaheen) ayuun baanu saaka ku aragnay warkan, haddii aanu warkan ka daba tagnay waxaan saaka subaxdiiba la hadlay taliyaha saldhiga Berbera Axmed Cali Faarax oo aan ku wargeliyey warkan jornaalka ku yaalla una diray inuu xeraddii tago oo bal hadda wax ku soo kordhay soo xaqiijiyey ileyn waatan dadkii dhulka lagu dhaqaajiyey, imikana xeraddu xero ciidan degan yahay maaha oo hareerahana waa lagaga soo durkay oo waxaanu ku ballansanayn dawladda hoose iyo maayarkaba in dadkan hareeraha kaga soo durkay oo lanaga durkiyo.”
Taliyuhu waxa uu sheegay inaanu ka war-hayn Cidda Iibisay dhulka Ciidanka ilaalada Xeebaha isla markaana aanu jirin isbeddel ku yimi Xerada oo la xaqiijiyey, haseyeeshee waxa uu sheegay inay jiraan dad ku soo durkay dhulka Ciidanka Qaranka ooh ore Dawladda Hoose ee magaalada Berbera ay cabasho ugu gudbiyeen si looga durkiyo, “Taliyihii markii uu xerada dhextagay ayuu igu yidhi, ’wax aan kuu sheego oo xeradii iska beddelay ma jirto, hase-yeeshe iibku meel wax la isugu dhibay anigu ma ogin, haddii wax la iibiyana cidda wax leh ayaa iibisa, haddii aanay ciddii wax la hayni iibisay anigu war uma hayno, hase ahaatee xeraddii wax laga bedelay oo ku soo kordhay ma jirto qaar aanu ogoyn oo nagu soo durkay oo oodo ahaa oo aanu ku talo jirnay in aanu toddobaadkan iska riixno oo aanu ku ballansanayn dawladda hoose sidaa mooyaane, iibkan la sheegay nigu ma ogin oo xeradu xeradayadii ayay noo tahay,” ayuu yidhi Taliyaha Guud ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.









