Rakibaadda Qalabka Idaacadda Cusub ee Radio Hargeysa oo Shalay la bilaabay
Hargeysa, 05 July, 2012 (Ogaal)- Hawsha Rakibaadda Idaacadda Cusub ee Radio Hargaysa ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay Xarunta Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo bilowga rakibaadda Idaacadda ka hadlay, ayaa sheegay in si rasmi ah ay u bilaabantay rakibaadda idaacadda oo ay awooddeedu badan tahay isla markaana wada gaadhaysa dalka Somaliland guud ahaantii iyo dalalka kale ee Mandaqadda.
Agaasimaha Guud waxa uu u mahad celiyay Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud oo uu sheegay inay dadaal xooggan u gashay sidii dalku u heli lahaa idaacadda ay shacabku inta badan u oomanaayeen, isaga oo sidoo kalena u mahad celiyay Kambaniga laga soo iibiyay idaacadda.
Agaasimaha Waaxda Farsamada Axmed Saleeban Weyne iyo La-taliyaha Wasiirka Warfaafinta Maxamed Maxamud Xasan (Mijir), ayaa sharraxaad ka bixiyay awoodda idaacadda oo dhan 100KW iyo Muddada ay ku dhamaan doonto rakibaadeedu.
Masuul ku hadlayay shirkadda Brothers Trading Company oo Qandaraaska keenista ku guulaystay, ayaa shaaciyay in rakibaadda idaacaddu ay ku dhamaanayso muddo afartan cisho ah.
Sidoo kale Agaasimaha Idaacadda Radio Hargaysa Siciid Aadan Cige ayaa ka warramay Qiimaha ay idaacadani u yeelan doonto Qaranka .
Geesta kale, waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Telefishanka Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul oo sheegay in maanta muuqato in laga midho-dhaliyay ballan-qaadkii xukuumada talada haysa.









