CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Madaxweynaha Uganda oo Hanjabaad u diray Al-Shabaab kana hadlay danahooda Soomaaliya

Kampala, 05 July, 2012 (Ogaal)- Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani ayaa war ka soo saaray dagaalka ay ciidamadiisa kula jiraan malleeshiyadka Al-Shabaab iyo haddii ay jirto dano gaar ah oo ay ka leeyihiin gudaha Soomaliya.

Xilli uu ka qeyb galayay Munaasabad lagu maamuusayay sannad guuradii kasoo wareegatay markii Uganda ay xoriyada qaadatay, ayaa Musevani waxaa uu amaanay ciidamadiisa howlgalka ka wada Soomaaliya. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay ka go’aan tahay Uganda sii wadidda dagaalada ka dhanka ah malleeshiyada Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ka soconaya.

 “Waxaa ay ciidamadayadu ku sugan yihiin Soomaaliya iyagoo la dagaalamaya kooxo argagaxiso ah waana uga mahadcelinayaa howlgalka ay wadaan,”ayuu sheegay Yuweri Musevani

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgaladda ka dhanka ah malleeshiyadka Al-Shabaab inta guud ahaan dalka Soomaaliya laga saarayo, “Howlgalku ma joogsan doono ciidamadayadu howlgalka waa sii wadayaan ilaa inta laga waayayo askari Shabaab ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay Musevani.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Uganda ayaa carrabka ku adkeeyay in aanay jirin dano gaar ah oo ay ka leeyihiin xaaladda Soomaaliya muhiimadana ay tahay sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dawlad iskeed u taagan.

Dalka  Yugaandha ayay Soomaalia ka joogaan ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika kuwaas oo dawladda ku-meel-gaadhka ah ee dalka Soomaaliya ka taageeray qabashada Muqdisho iyo deegaano kale oo badan.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE