CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Guddida Doorashooyinka oo Rejo-Xumo ka muujiyey Qaabka Beelaysan ee Murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka iyo Saamaynta kaga imanaysa Natiijada Doorashada

Hargeysa, 04 July, 2012 (Ogaal)- Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa meesha ka saaray muddayn loo qabto wakhtiga ay qabsoomayso Doorashada Goleyaasha Deegaanka ka dib markii todobaadkan shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo isla wakhtigaas golahoodu meel-mariyey xeerkii hortaagnaa muddaynta wakhtiga, ay ka codsadeen Guddiga Komishanka inay wakhti u qabtaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka.

Af-hayeenka Guddiga doorahsooyinka Qaranka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), rejo xukumo ka muujiyey murshaxiinta beeluhu u soo xulanayaan doorahada goleyaasha deegaanka isaga oo guul-darro ku imanaysa ku tilmaamay sida ay beeluhu iskugu barbar yaacayaan ururrada iyo xisbiyaa kala duwan oo uu sheegay inay wakhtiga natiijada doorashada saamayn taban ku yeelanayso.

Afhayeenku waa uu sidoo kale ka hadlay sababta ay guddi ahaan u muddayn waayeen Xilliga la qabanayo Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, waxa uu sheegay inay guddi go’aansadeen inaan la muddayn karin xilliga doorashada Dawladaha Hoose ilaa gacanta lagu dhigo Kharashkii lagu fulin lahaa Doorashooyinka oo 75% ku xidhan tahay Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera Doorashooyinka Somaliland oo aanay wali gacanta ku hayn, balse sida uu sheegay ay xukuumaddu diyaarisay kharashka 25% ay ku kabto doorashada in inkastoo aanay ku soo dhicin Xisaabta Gudida doorashooyinka.

Md. Geelle oo Telefishanka Xukuumaddu waraysi la yeeshay, waxa uu sheegay in ugu yaraan Lix malyuun oo Doolar loo qoondeeyey inay ku baxdo doorashooyinka Dawladaha hoose, dhaqaalahaas oo afar Milyan ay bixinayan Qaadhaan bixiyeyaashu halka  labada Milyan ee kalena ay Xukuumaddu bixinayso. Afhayeenku waxa uu xusay inaanay jirin rejo-la’aan dhaqaaleed balse ay nidaamka xisaabaadka ku soo jirto isla markaana ay muddaynta doorashada cayimi doonaan wakhtiga ay gacantooda ku soo dhammaato lacagtaasi. Afhayeenka oo Arrimahaas ka hadlayaa, waxa uuu yidhi, “ilaa imika meel fiicanbay maraysaa, ma odhanayno dhaqaale idiin ma hayno iyo dhaqaale la’aanbaa jirta, laakiin waxay ku soo jirtaa waddada oo wali namay soo gaadhin, marka ay lacagti gacantayada ku soo wada dhacdo, ayaanu taariikhda ku dhawaaqaynaa oo dabadeed hawshii bilawno.” Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Qaybta aanu ka sugaynay dawlada xagga madaxtooyada ayay ka soo dhammaatay oo Wasaaradda Maaliyada ayaa ay talaa wasiirkuna waxaa uu noo ballan qaaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan noogu soo gudbiyo. Qolada Qaadhaan-bixiyeyaasha  waxay nugu lahaayeen maalmo dhaweyd waxbaa naga dhiman markaa anguna waxaanu sugaynaa ilaa inta ay bixinayaan.”

Afhayeenka oo oo la waydiiyey muddada ay qaadan karto inay gacantooda ku soo gasho lacagta ay sugayaan iyo in wakhtigii Doorashadu dib u dhac ku yimi, waxa uu sheegay in dib-u-dhacu ka go’anyahay wakhtiga qabsoomidda doorashada isla markaaana ay xaaladda noocan ahi u baahan tahay talo laga wadaago guud ahaan tallaabadii lagu qaabili lahaa, waxaanu carrabaabay inay guddi ahaan  u baahan yihiin muddo Afar bilood ah oo ka bilaabmaysa maalinta ay helaan Kharashka doorashada si ay dhaqaajinta hawshoodu ugu fududaato, isaga oo  ka hadlayana waxa uu yidhi, “Kolay bisha Ramadaan qorshaha kuma jirto waayo waa bil cibaado, markaa qorshahaygu waa tallaabo xadidan oo talaabo waliba inta ay naga qaadanayso waanu hubnaa, marka aanu isu wada gayno waa xaalad gaar ah oo wada tashi gaar ah u baahan. Waxaanu u baahanahahy afar bilood maalinta aanu hawsha dhaqaajino afar biloodbay qaadanaysa markaa afartaa biloodna waxay ka bilaamaysaa maalinta uu kharashku noo soo dhaco.”

Waxa dhanka kale Afhayeenka wax laga weydiiyey qaabka ay u soo baxayaan murashaxiinta codadka la siinayo iyo xeerka golaha wakiilladu ansixiyeen ee doorashada lagu galayo Diiwaan-gelin la’aan, waxa uu faahfaahin ka bixiyey nidaamka kala duwanaanshaha doorashada aan diiwaan-gelinta lahayn iyo doorashooyinkii hore ee diiwaangelinta lagu galay, waxa uu yidhi, “Doorashadii hore ee deegaanka waxaynu ku galnay liis xidhan wax la yidhaahdo. Xisbiga ayaa isaga ooo taxayay dadka uu sharaxayo iyo siday u kala horeeyaan oo qofka ugu badani soo baxayay, imika waxaa la go’aamiyay in qofka loo codeeyo oo aan Xisbiga loo codaynin, dabadeed dadkaa uu Xisbigu soo sharraxay codadka ay helaan ayuunbu Xisbiguna yeelanayaa. Runtii tanina inuguma cusba oo doorashadii Baarlamankaba waynu ku galnay in qofla loo codeeyo, laakiin waxay ku kala duwan yihiin, markaa saddex Xisbi oo kaliya ayaa ku tartamayay, doorashada hada sagaal Xisbi iyo Urur ayaa ku tartamaya, waxaanay saamayn ku yeelatay warqada lugu codaynayaa inta ay le’egtahay. Haddii qof walba magaciisa iyo astaantiisa ku samayno, warqaddii way waynaanaysaa, waxaanay keentay markaanu dhan walba ka rog-rognay oo talo badan samaynay khubaro badan la tashanay oo Asxaabtii iyo Uraradii la tashanay in musharaxa la siiyo lambar halka markii hore laga siin jirey calaamad, dabadeed aanu lambar taxno qofkuna halkaa lambarka calaamidiyo.”

Afhayeenka waxa uu sheegay in nidaamka cusub ee ay go’aamiyeen saamayn ku yeelanayo dadka codaynaya maadaama aanay dadku ka sinnayn dhanka aqoonta oo qaarkood aanay waxba qorin, isaga oo arrintan ka hadlayana, waxa uu yidhi, “Runtii waxay u baahan doontaa wacyi galin faro badan dad aan waxna qorin waxna akhriyinbaa jira laakiin duruufbaa keentay oo dadkiibaa sidaa doonayay.

Md. Geelle mar wax laga weydiiyey saamaynta ay doorashada ku yeelanayso in murashaxiinta goleyaasha deegaanku qaab beelaysan isaga sharraxaan Xisbiyada iyo Ururrada, waxa uu yididiilo-xumo ka muujiyey in natiijada doorashada aanay saamayn ku yeelan ururrada ama xisbiyada ee ay saamayntu ka timaaddo beelaha murashaxiintu ka soo jeedaan, waxaanu yidhi, “Arrintaasi war-war ayay nugu haysaa. Beelaha iyo doorashadu labaduba waa ay is khilaafayaan, marka musharax  yidhaahda reerbaan u sharaxanay mansabka uu qabanayaan yahay mansab qaran oo sii caddaysto inuu reer u taaganyahay, isma qabanayo mabda ahaan.” Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Waxaan ka cabsi qabaa berri marka ay reeruhu yidhaahdaa murashaxbaa noo sharraxan, waa ay dhacayaan dadkii reeraha ee is bar-bar carayay, markaa berri suurta gal ma tahay inta uu reer waliba meel ka fadkudiyo oo yidhaahdo natiijada ma ogolin komishanku soo saaray iyaga oo aan war u haynin sida nidaamku u socday?.”

Ugu damayntii, Afhayeenku waxa uu rejo fiican ka muujiyey isla markaana timaamay inay diyaar-garow adag u galeen doorashada Golaha Deegaanka ee soo socota oo hawsheedu ka baaxad weyn tahay kuwii hore, “Doorashada deegaanku waa ta ugu ballaadhan mana urursana, waxayna Somaliland ka kooban tahay 26 degmo meelo aanay ka dhacayn oo Bariga ahna waa ay jiraan, laakiin badankooda waa ay ka dhacayaan, go’aanka soo bixiddana waxaa uu ku xidhnaanayaa heer degmo, waxayna ku xidhaahdnaan doontaa kolba cidda aanu qorano ee degmada noo joogto. Waxa kale oo ay tii hore dheertay; najiidad tirinteeda calaa qof ayaa loo codeynayaa Hargeysa waxay noqonayaa laba boqol iyo dheeraad, qof walba marka loo tiriyo codkiisa waxay qaadanaysaa wakhti badan baaxadeedu aadbay u waynatahay laakiin waanu diyaar garawnay run ahaantii,” ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE