Wasiirka Qorshaynta oo ka hadlay Xalka Biyo-yaraanta Magaalada Hargeysa iyo waxyaabaha aan ka qabsoomin Qorshaha ku-talogalka ee 2015
Hargeysa 04 July 2012 (Ogaal)-Wasiirka Wasaaradda qorshaynta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland horumar weyn ka samaysay dhanka adeegyada aasaasiga ah ee Waxbarashada iyo biyaha marka loo eego yoolka Qaramada Midoobay u qabatay dalalka Africa ee Saxaaraha ka hooseeya inay gaadhaan sannadka 2015ka.
Dr. Sacad Cali Shire waxa uu sidoo kale ka hadlay caqabadaha hortaagan, qaabka lagaga bixi karo iyo wakhtiga ay xukuumad ahaan rejaynayaan in xalliyo mushkiladda hortaagan in magaalada Hargeysa hesho biyo ku filan oo shacabka ku nooli ka Hagar-baxaan.
Wasiir Qorsheynta oo ka hadlayey warbixin la sheegay in Qaramada Midoobay ku sheegatay in waddamada Afrika ee ka hooseeya Saxaraha ee ay ka mid yihiin Somaliland iyo Soomaaliya ay ka jirto Macaluul, Waxbarsho la’aan iyo biyo la’aan, waxa uu sheegay in horemar wayn laga sameeyay Tacliinta iyo xagga Biyahaba iyo guud ahaanba horumarka Somaliland, isla markaana waxa uu tilmamay marka loo eego halkii ay ahayd in la joogno Sannadka 2015-ka ay wax badan qabyo yihiin oo aanay wali qabsoomin.
Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in marka Somaliland qimayn lagu sameeyo xagga waxbarashada ay maanta Iskuulada ku jiraan arday tiradoodu gaadhayso laba boqol oo kun, taas oo uu ku sheegay guul ay gaadhay Somaliland marka loo eego halka ay tagnayd toban sanno ka hor. “Way jirtaa waa run marka loo eego sagaashanaadkii ama marka loo eego horaantii sannadkii 2000-kun, wax farabadan ayaa suurtoobay ama ahaato xagga tacliinta ama ahaato xagga Biyaha ama guud ahaan ahaato xagga horemarka. Laakiin marka loo eego halkii ay ahayd inaynu joogno si loo buuxiyo shuruudihii iyo yoolkii la dhigtay in lagaadho sannadka 2015-ka wax badan ayaa nooga qabya ah. Taa lafteeda maaha horemar ayaa la sameeyay, micnuhu maaha waa la gaadhay yoolkii la lahaa caalamka loo dhigay in lagaadho ama la fuliyo sannadka 2015-ka. Marka aad eegto muddada inooga hadhay 2015-ka oo aad u gaaban iyo hawsha qabyada ah ee runtii inoo taala is malaha oo u malaynmayo inaynu buuxin-karno,” ayuu yidhi Wasiirku isaga oo hadalkiisa intaas ku daray, “Wax yaabaha doonaya in wax laga qabto waxa ka mid ah xagga Saboolnimada in aad iyo aad loo yareeyo dadka uu maalintii dakhligoodu ka yar yahay hal dollar oo kaliya. Waddamada Gobolka ee ay Somaliland ka mid tahay shaqo la’aantu waa arrin aad iyo aad runtii u ballaadhan oo cid walba saameeya, markaa wali halkaa maynaan gaadhin.”
Wasiirka qorshaynta Somaliland oo Idaacada BBC-du ay wax ka waydiisay xeerka waxbarashada Carruurta ee dhinaca waddamada Saxaraha ka hooseeya ee ay ka mid tahay Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi. “Matalan markaad dhinaca wax barashada aad ka eegto oo kale, haddaynu soo qaadano Somaliland maanta waxa Iskuulada ku jira in kabadan laba boqol oo kun, waa guul marka loo eego halka la joogay Toban sanno ka hor. Laakiin markaad u eegto tirada dhalinyarada ama Carruurta u baahan inay Iskuul tagaan ee aan tagin, waxaad is odhan kartaa tobankii carruurta ahaa ee u baahnaa inay tagaan Iskuulka waxa taga afar, lixna matagaan Iskuulka. “
Wasiirka waxa uu sheegay in isbeddel ku yimi heerka waxbarashada hablaha oo wakhtigyadii hore aad uga yaraa tirade wiilshada dugsiyada taga, isla markaana yoolkii laga rabay xagga waxbarashad ee carruurta haatan lagu guulaystay Boqolkiiba Afartan (40%). “Runtii is-bedel wayni uu dhacay ama gabdho hanoqoto ama Wiilal hanoqotee, laakiin ilaa hadda waxa kaliya ee aynaan ku guulaysan inaynu gaadhno halkii ahayd xilligan marka loo eego muddada la qabsaday ee 2015-ka. Matalan, ardayda ku jirta Iskuulada oo kale, haddii wadamada qaar ay ku guulaysteen in ardayda boqolkiiba todobaatan ama boqolkiiba Lixdan ay Carruurtoodu tagaan Iskuulada, innagu waxaynu maraynaa boqolkiiba afartan (40%) immika. Haddana iyada oo horumar badan la sameeyay, haddana waxa ka jira faraq halkii ay ahayd inaynu joogno oo ahayd in Ilmo kastaa aynu gayno Iskuulka 2015-ka, wali halkaas waxbaa inaga dhiban,”Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Dr Sacad Cali shire.
Wasiirka Wasaarada qorshaynta Sacad Cali Shire oo wax laga weydiiyey caqabadaha hortaagan in magaalada Hargeysa hesho biyo ku filan iyo qaabta wax looga qaban karo, waxa uu tilmaamay in heerka korodhka dadweynaha iyo dhismayaasha magaalada iyo ku-talo-galka wakhtigii la sameeyey biyo-galinta uu faraq weyni u dhexeeyo, isaga oo xusay in labada sanno ee soo socda wax-ka-qabada mushkiladdaas caawimadeeda laga rejaynayo Midowga Yurub, “Dhibaato Biyaha ah ayaa ka taagan Hargeysa, laakiin qof kasta oo aan Biyo heli karayn ma jiro ee qiimaha ayuunbaa kacsan. Sababta ay Biyo la’aantu uga jirtaa ama Biyaha looga haqab la’yahay Magaalada Hargeysa waxa ka mid ah iyadoo habka aanu imika is-ticmaalno markii magaalada la dhisay dadka ku nooli waxay ahaayeen boqol iyo koton ilaa boqol iyo sideetan, halka ay maanta hal Milyan ay ku nool yihiin. Markaa labatankii sanno ee u danbeeyay runtii maal-galintii ahayd in lagaliyo Biyaha oo labadiyo Ceelasha dhaadheer oo la badiyo Tuubooyinka oo la badiyo qaybinta, taasina runtii wali ma dhicin. Qolada EU-da ama midowga Yurub ayaa filaynaa inay naga caawiyaan sannadkan ama sannadka danbe sidii amuurahaas wax looga qaban lahaa,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland.









