CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Tahriibyaal Itoobiyaan ah oo Lagu Qabtey Tuulada Caasha-Cado iyo Talista Qeybta Booliska Salel oo ka warramey Muwaadiniin ka ganacsata oo ay qab-qabteen

Caasha-Caddo, 04 July, 2012 (Ogaal)- Tahriibayaal tiradoodu dhan tahey afar iyo konton oo u kala dhashay Qowmiyadaha Oromada iyo  Axmaarada ee dalkaasi Itoobiya iyo Lix baabuur oo ay la socdeen, ayaa caweysinkii xalay lagu qabtey Tuulada Caasha-Caddo oo dhinaca Koonfureed tobaneeyo Km ka xigta Magaalada Saylac.
Taliye Xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Salel Cismaan Xaashi Daahir oo  Warbaahinta uga waramey isagoo jooga Caasha-Caddo tahriibayaashan ay gacanta ku dhigeen ee u dhashey dalka Itoobiya, waxa uu xusay in ay gacanta ku hayaan Gaadiidkii sidey tahriibayaashan oo ah baabuurta loo yaqaan Qareen-Googa ee isaga Goosha Xeebta Galbeed ee Somaliland iyo dalka Jabuuti, isla una gudbin doonaan dhinaca Magaalada Saylac ilaa iyo inta dib loo Celinayo dalkooda, Sidoo kalena waxa uu xusey in ay shaley qab-qabteen dad aad u tira badan oo uu ku sheegay inay yihiin dad u dhashey dalka Somaliland oo ka gancsada Tuulada Lowyacado kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin inta badan aboolayaal ka ganacsada amba-bixinta tahriibayaasha haseyeeshee, ay sii daayeen kuwii lahaa arbeekooyinka qaar kalena ay wali baadhayaan.
“Indhawaale maanu arag tahriibayaal oo mudo ayaanay nasoo marin, laakiin maalmahan ayay oodda soo jabiyeen oo aad ayay u badan yihiin, waxaananu hadda gacanta ku haynaa afar iyo konton tahriibayaal ah iyo lix baabuur. Masuuliyiintayadii ayaanu u gudbinay Warbixintooda tahriibayaashani oo isugu jira Oromo iyo Axmaaro u dhashey dalkaasi Itoobiya ilaa inta la qaadayana waxaanu ugudbin doonaa Saldhiga Booliska Saylac,” sidaa waxa yidhi Taliye Xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Salel Waxa kale oo Taliyihu ka warramay isagoo ka jawaabaya Su’aal la weydiiyay oo aheyd in ay jiraan dad muwaadiniin ah oo ka ganacsada Tuulada Xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Jabuuti ee Lowyacado, waxa uu yidhi, “Wey jiraan, dad badan ayaanu qabqabaney oo Waxey ku xidhan yihiin Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Saylac, waxaaney u badanaayeen muwaadiniin u dhashey Somaliland oo qaarkood ay yihiin aboolayaal ka shaqeysta tahriibayaasha oo u gudbiya dhinaca Jabuuti waxaanay xidhiidh leeyihiin qaar Oromo ah oo xagga Jabuuti ka yimaadda oo kexeeya dadkan, kuwaa qaar kamid ah ayaanu xidhney oonu haynaa kuwa kale hadey soo tallaabaana waanu qabaneynaa laakiin waxaanu sii deynay laba kamid ah Ganacsatada Lowyacado ee Huteelada jiifka ku haysta. kuwa kalena waa la baadhayaa oo baadhis ayaa ku socota.”
Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha tahriibayaasha xiligan Xagaaga ah inta badan ka gudba Xeebta Galbeed ee Somaliland oo si tuuga ah doonyo uga raaca Xeebta Buula-caddo ee u dhexeysa Lughaya iyo Saylac iyo dalka Jabuuti gudihiisa xeebta Tajora, ayaa inta badan toos  uga gudba xeebaha iyadoo ay u sahlayaan muwaadiniin ku sugan Gobolka Salel

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE