CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda Qaraxyo lala Beegsaday Kiniisado ku yaala Gaarisa iyo Kooxda Raaskaambooni oo sheegtay inay la wareegayso Kismaayo

Kismaayo, 04 July,2012 (Ogaal)- Ururka Al-shabaab oo ciidamada Kenya kula dagaalamayayaan deegaanno ka tirsan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarro lagu dilay 17 qof  laguna dhaawacay 50 kale oo ka dhacay Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari  ee dalka Kenya.

Sheekh Xasan Turki oo ka  mid ah hogaamiyayaasha kooxda  Al-shabaab, ayaa sheegay inuu weerarkaas ahaa mid ay fuliyeen xoogaggooda  oo ay  ku dileen dad  caabudyay wax Ilaahay aan ahayn. “Mujaahidiinta ayaa ku cadaabay gacmahooda kuwii Kaniisadaha ku caabduyay wax aan Alle ahayn, waana sii wadi doonnaa Hawlgallada noocan oo kale ah inta aan ka suulinayno dhulka goobaha lagu caabudayo wax aan Alle ahayn,” ayuu yidhi Sheekh Xasan Takar.

Hoggaamiyahan ayaa ka mid ahaa xubno sannadkii hore ku shiray degmada Baydhabo ee gobolka Bay ee Soomaaliya, kuwaasoo soo saaray in la xoojiyo dagaallada laguja jiro dawladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeyaha ah ee ku sugan Soomaaliya.
Dhinac kale, kooxda Raaskaambooni ayaa shalay sheegtay inay la wareegi doonto Magaalada dekedda ah ee Kismaayo oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee ururka Al-Shabaab leeyahay.

Hogaamiyaha kooxdaas Sheekh Axmed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadayaan Magaalada Kismaayo ay gacan ka siinayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dalka Kenya.

“Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka hadda meel wanaagsan ayuu noo marayaa, ciidamadu waxa ay u diyaar garoobeen weerarro saf ballaadhan ah oo ku aaddan magaalada Kismaayo, waxaananu ku hanweynahay inaanu wax dhiig ahi ku daadan doonin qabshada magaalada Kismaayo,” ayuu yidhi  Sheekh Axmed Madoobe.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE