CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Xukuumadda oo Hindisaysa Ciqaab lagu abaal-marinayo Waalidiinta iyo Qorshe Waxbarashada ka horjoogsanaya Carruurta aan Talaalneyn

Hargeysa, 02 July 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen-Xoog) ayaa sheegay inay Xukuumaddu sharciga la tiigsanayso waalidiinta ubadkooda ka horjoogsada talaalka Cudurka Dabaysa.

Wasiirka Caafimadka waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumaddu qorshaynayso in Dugsiyada Dawladda aan lagu dari karin ilme aan sidan kaadhka Talaalka, isla markaana ay qaadayaan tallaabo kasta oo cudurkan lagu xakamaynayo, maadaama asaamihiisa lagu arkay qaar ka mid ah dalalka Mandaqadda ku yaala.

Dr. waxa uu sidan ka sheegay munaasibad lagu shaacinayey Bilowga Tallaalka Cudurka Dabaysha oo Maanta ka bilaabmaya gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaanu xusay in ahmiyadda ugu horreysa caafimaadka carruurta uu waalidku leeyahay, laakiin ubadka iyo bulshadaba guud ahaan cidda ugu danbaysa ee ka masuulka ahi ay dawlada tahay, waxaanu ayaan-darro ku tilmamay waalidka garan waaya caafimaadka ubadkiisa ka saran oo uu sheegay inay tahay masuuliyad-darro Illahayna la xisaabtamayo maalinta qiyaamaha, ifkana uu isagu ka qoomamaynayo.

Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog) oo walidiinta u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan caafimaadka ubadkooda siday uga shaqeeyaan cuntadooda, hugooda iyo waxbarashadooda waxaana hadaladisii ka mid ahaa. “Walidiinta waxaan halkan uga sheegayaa masuuliyad ayaa ubadkooda ka saaran Caafimaadkooda, sida korintooda, hugooda, quudintooda  iyo wax barashadooda  inta ay xilka iska sarayaan in ka baladhan ayey ahayd inay iska saaran Caafimadka ubadkooda. Waxay ila tahay inay tahay masuuliyad-darro Illahay agtiisana waa la gala xisaabtamayo maalinta qiyaamaha, ifkana uu isagu qoomamaynaayo haddii uu laba dhibcood ubadkiisa ama ilmihiisa ku badbaadin waayo. Waxaan waalidiinta aan leeyahay u dhugyeesha dar-daaranka aanu idinsiinayno haddanu nahay hawl-wadeenada Caafimaadka ee dadka  ka shaqeeya cudurka dabaysha ee iyaga oo dawooyinkii inii sida guryaha idinku soo garacaaya ee aad garan waydo waa ayaan-darro ayaanu idin leenahay.”

Wasiirku waxa kale oo hadalkisii ka mid ahaa.“Caafimadka carrurta marka kowaad waalidkooda ayaa ka masuula, lakiin ubadka iyo bulshadaba guud ahaan-ba cidda ugu danbaysa ee ka masuula waa dawlada. Badanaa cudurka dabaysha ee dhibcaha ah kalama kulano dhibaato, lakiin Tallalada kale ee irbaduhu ay ku jiraan ayaanu diidmo kala kulanaa. Waalidku haddii ay garan wayaan ila hadda anaga oo labatan sanno wax u sheegaynay inay u arkaan hawsha loo wado inay tahay badbaado ubadkooda. waajibkaasna  dawlada ayaa qadan doonta, waxaana la abaal marindoonaa si dhaqso ah waalidkasta oo Ilmihiisa u diida inuu tallalka siiyo ubadkiisa.”

Wasiirka Caafimadka oo waxa uu sheegay in xukuumadda iyo hay’adaha Caafimaadka iyo Carrurta ee Qaramada Midoobay oo is-kaashanayaa sharci cusub ka soo saarayaan  Daryeelka caafimaadka Carruurta, “Waxaanu soo saari doonaa sharci cusub oo ay nagala shaqaynayso Ha’yadaha WHO, UNiCEF. Sharci ayaanu ku qaadidoonaa oo waa la abaal marin doonaa waalidka garan waaya waajibka kaga aaddan ubadkiisa. Waxa dhici doonta wakhti aan fogayn in Ilmo aan  kaadhkii tallalka ee uu ku dhashay aan sidan wax iskuula la qorayn,” ayuu yidhi Dr. Xuseen Maxamuud (Xuseen-xoog).

Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa uu tilmaamay in muhiimadda Tallaalka Dabaysha ee Carruurta da’doodu ka hoosayso Shan jirka uu yahay hawl-gal lagu badbaadinayo nolosha iyo laxaadka Jiilka mustaqbalka ee qaranka, waxaanu dadka ku nool deegaamada abaaburuhu hayaan ugu baaqay inay soo dhaweeyaan Kooxaha Tallaalka.

“Maanta waxaynu halkan u joognaa inaynu ku dhawaaqno inaynu hawl-gallayno, markaa waa dagaal aynu ku badbaadinayno nafo iyo laxaad la’aan, waa dagaal aynu ku badbaadinayno nafo nool iyo laxaadka jiilka mustaqbalka muhiimadiisi weeye. Inta uu meelahaas ka jirana khatartiisa waa loo siman yahay. dad waynaha abaartu haysa waxaanu leenahay anaga oo idiin soo ducaynayna waa inaad soo dhawaysaa tiimam ka tallalka Dabaysha ee idin immanaya,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland.

Wasiirka oo dhawaan shir caafimaadka lagaga hadlay kaga qayb-galay magaalada Jeneva, waxa uu xusay in muhiimadda ugu weyn ee laga hadlay ahayd sidii xoogga iyo tamarta laysugu geyn lahaa dabar-goynta Cudurka oo uu sheegay in wakhtigan astaamihiisa iyo Kiisaskiisa Caafimaad ku badan yihiin saddexda dalka ee Pakistan, Afghanistan iyo Nigeria.

“Gobalka Niyaasa ee dalka Kiiniya waxa lagu arkay Cudurka Babaysha, waad arragtaan inta uu noo jiro waxay nagu tahay khatar. Waa muhiim inaynu hawsha siiwadno oo aynu maant ka wacannahay dalal inaga dhaqaale badan waana guul illahay mahadii ee waa inaad siiwadaan dedaagla.innagana qiimayntii ugu danbaysay waxay sheegaysaa inay inaga dhintaan boqol iyo saddex iyo toban (113) inkastoo UNICEF ay leedahay ka siibadan. Maaha inaga oo halkaas tagan in wakhtigu uu inagu dhaafo, aniga oo Wasiirka caafimaadka waxaan saxeexay inaanu halka adduunku tagan yahay aanu hiigsano,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE