Mudane siyaabo kala duwan u dhaliilay Wada-hadallada Soomaaliya, Wasiirka Khaarajiga, Shir-guddoonka Wakiillada, shirarka Beelaha-na ku tilmaamay Saluug ka yimi Siyaasadda Xukuumadda
Hargeysa, 02 July, 2012 (Ogaal)- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa si kulul u naqdiyay wada-hadalada u dhexeeya xukuumada Somaliland iyo Soomaaliya, iyo weliba khibrad la’aan uu ku eedeeyay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland.
Xildhibaan Reyte waxa kale oo uu eedayn u jeediyey shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu ka gaabiyey hawshii Golaha oo uu sheegay in hawshii golaha Wakiilladu aanay si habsami ah u socon labadii sanno ee u danbeeyay
Xildhibaan Rayte oo shalay saxaafada kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay shir-beeleedyada oo xukuumadda ku eedeeyey inay ku dambayso isla markaana sababi karaan inay shacabka Somaliland shaki kala dhex-galo.
Ugu horreyn isaga oo ka hadlaya qaabka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Aniga guud ahaan in lawada hadlo waan ogolahay oo Somaliya waxaanu nahay dad ay wax ka dhexeeyaan, hase yeeshee qaabka ay wada-hadaladu u socdaan waan saluugsanahay, waayo qadiyadani waa mid aad ugu weyn Somaliland, waxaana la arkaa in aanay xukuumaddu wada-tashi badan iyo xog ururin la samaynin qaybaha bulshada, qaabka wada-hadallada noocan ah loo galaa wuu ka duwan yahay qaabkan, waxaan qabaa anigu in xilligan wada hadala lala galaayo ay matalaan dad taariikhyahano ah, dad siyaasinyiin waa weyn ah, dad sharaciyaqaano ah iyo dad aqoon dheeraad ah u leh wada hadalada ayey in ay galaan tahay,” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Rayte.
Waxa kale oo xildhibaanku uu wasiirka Arrimaha dibeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ku dhaliilay khibrad la’aan siyaasadeed, waxaanu yidhi, “Wasiirka arrimahada dibadda Shaqo ayuu leeyahay hase ahaatee shaqadaasi maaha mid siinaysa khibrad iyo aqoon dheeri ah oo uu kaga qaybgalo shirka, Madaxweynuhuna waxay ahayd in wixii ay dadka khubaradu soo saareen uu ku shaqeeyo laakiin afar wasiir oo aan wasiirnimo mooyaane aan wax kale lagu ogayn may ahayn in loo diro meesha.“
Xildhibaan Reyte waxa uu Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ku eedeeyey inuu Golihii Wakiillada u gacan-galiyey Xukuumadda isla markaana shaqadii goluhu aanay si wacan u qabsoomin muddooyinkii ugu dambeeyey, “Golahayagii labadii sanno ee ugu danbeeyay wax shaqo ah oo uu qabtay way iska yar tahay, waxaana muuqata sida ay dadku sheegayaan ee anaguna tuhusanahay in runtii kaalintii aanu ka lahayn aanu gabnay. Taasna waxa ugu wacan shir-Guddoonkii Golahayaga oo dhex galay ama ku milmay xukuumada. Arrinta kale ee Muhiimka ah ee Golahayagii wiiqday waxa weeye, waxaan jirin xisbi mucaarada oo ahayd inay keenaan la xisaabtanka xukuumada.”
Xildhibaan Reyte waxa uu sheegay in shir-beeleedyada dalka ka qabsoomay ay ka dhasheen jawiga Siyaasadda iyo isbeddel ku yimi Kalsoonida nidaamka iyo xisbiyada la samaystay isla markaana ay taasi keeni keeni karto tuhunno soo kala dhex-gala shacabka. “Shirarkaas waxaan u arka ifafaalo aan wanaagsanayn, waa calaamado ama astaamo muujinaaya in guud ahaanba shacabku aanay raali ka ahayn. Kalsoonidii dawlada iyo nidaamkeenii Siyaasadeed ee aynu dhisanay ee Golayaasha iyo xisbiyada kalsoonidii shacabku ay ku qabeen ay soo yaraanayso. Waana calaamad xun oo muujinaysa dib uga noqoshada anu ku soconay ee dimquraadiyada ahay, markaa runtii aniga war-wargaara ayey igalinaysaa sababtoo ah shirarka beeluhu waxay keeni karaan kala goyn-goyn dadkii iyo dareen aan la isu-niyad samayn, waxaana arkaa inay ka dhalatay jawiga guud ee Siyaasada. Haddii la kala shiro tuhunkuna wuu badanayaa, dano badan oo la kala sheegtaana way badanayaan oo dhaawac wayn ayey u geysanaysaa midnimada dalka Somaliland. Shiraka Daallo aniga wakhitigan aynu ku jirno ilama wacna oo waxay keenaysaa dhibaatooyin farabadan ayaa ka imman kara shirkaas,”Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.









