CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Golaha Wakiilada oo ansixiyey Xeerka Doorashada Deegaanka iyo Madaxtooyada oo Wax-ka-beddel lagu sameeyay

Hargeysa, 02 July, 2012 (Ogaal)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay meelmariyey xeerka Doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Madaxtooyada oo No. 20 oo hore Madaxweyne Siilaanyo  ugu gubiyey Golaha si qodobbo ka mid ah kaabis iyo wax-ka-beddel loogu sameeyo.

Fadhigii maanta ee golaha uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay ka soo xaadireen 44 mudane oo ka mida 82 –ka xildhibaan ee goluhu ka kooban yahay, ayaa waxa cod gacan taag ah ku ogolaaday 29 xildhibaan, 8 mudane ayaa ka soo horjeestay,  halka 6 kalena ka aamuseen,  guddoomiyuhuna muu codayn, waxaana sidaas ku meelmaray Xeerka Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada.

Lifaaqa 4aad ee xeerka No. 20  ayaa wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo  Golaha sidaas ka codsaday, iyada oo guddida doorashooyinka Qaranku  dalbadeen  kaabis la sameeyo ka hor in aanay gaadhin wakhtiga doorashooyinka.

Golaha Guurtida ayaa iyana la filayaa in ay ansixin doonaan dhawaan xeerkan,iyada oo loo gudbin doono Madaxweyne Siilaanyo oo  qalinka ku duugi doona  si loo sharciyeeyo.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE