Cali Waran-cade oo ka Der-daar Wariyey in Shirka Beesha Habar-Yoonis uga Socda DAALO lagu kala Reebo Murashaxiin u taagan Mansabka Madaxweynenimo oo uu ka mid yahay
Ceerigaabo, 01 July, 2012 (Ogaal)- Siyaasiga Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah ergooyinka ka qeyb galay shirka beelaha Habar-yoonis dorraad uga furmay Buurta Daallo ee duleedka Ceerigaabo, ayaa sheegay inay suurto-gal tahay in shirkan lagaga hadlo sidii loo kala reebi lahaa siyaasiyiinta beesha ee quudaraynaya inay isu soo sharaxaan jagada madaxweynimada Somaliland.
Cali Waran-cadde waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay shirkan beeleed oo uu ku sifeeyay mid beeli ay dantooda wax iskaga weydiinayso isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Shirkani wuxuu ahaa shir ay beelaha Habar-yoonis qabsanayso oo muddo laga shaqaynayay. Markii hore waxa xoogaa la isku qabtay xiliga la qabanayo, shirkiina reerka Intiisii badnayd waxay isku raaceen 29-ka Bishan inuu furmo, markaa shalay ayuu shirkii sidii la rabay u hirgalay oo uu furmay. Anigu waxaan ka mid ahaa ergooyinkii tagay Ceerigaabo markii aanu eegnay ergooyinka badan ee yimid shirka, waxaanu dhinacyadii ku mursanaa wakhtiga aanu ku dhex dhexaadinay inuu shirku furmo Jimcihii waxaanu u furmay si wanaagsan.”
Mr Waran-cadde oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Shirku Jimcihii ayuu furmay Axada Barina (maanta) waxa la qaybinayaa ajandihii shirka. Waa shir caadi ah oo beeli danaheeda ku darsayso waxna iskaga weydiinayso. Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay jirin wax dhibaato ah oo shirka ka soo baxaysa. Waxa lagaga hadlayaa uun danta beesha iyo horumarinta qaranimadda Somaliland.”
Cali Waran-cadde waxa uu tilmaamay inuu ku qanacsan yahay qaabka ergooyinka ardaayadda beeluhu uga soo qeyb galeen shirka iyo sida uu ku furmayba, waxaanu xusay inuu ka filayo in si weyn loogu falan-qeeyo danaha beeshiisa.
Wasiirkii hore ee Duulista hawadda oo wax laga weydiinay in shirka laga yaabo in beeshaasi ay ajandaha ku soo darto sidii loo kala reebi lahaa Guddoomiyeyaasha Ururadda WADANI iyo UMMADA Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu ku jawaabay, “Runtii ajandihii wali lama qeybinin oo ergooyinka waxa loo qeybinayaa Axada (maanta), murashixiinta beeshuna Cabdiraxmaan Cirro iyo Gaboose uun ma aha ee waxaanu nahay saddex oo anigu xataa waxaan ahay murashax madaxweyne. Waa laga yaabaa in qeybaha u dambeeya ee shirka lagu soo qaadi sidii murashaxiinta beesha loo soo jeedin lahaa inay mid uun u daayaan. Waana suurto-gal oo beesha Habar-yoonis way samayn karaan arrintaasi si cududda beeshu meel u wada marto.”
“Waxaan shirkan u rajaynayaa inuu guulaysto oo wax danta beesha u wanaagsani ka soo baxo,”ayuu yidhi Cali Waran-Cadde oo caawa khadka Telefoonka ugu waramayay shabakada wararka ee Somaliland.org isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo.
Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiga UDUB ee quud-darraynaya murashaxnimada madaxweyne ee xisbigaas oo kala-qaybsanaan baahsani soo kala dhexgashay isla markaana garab ka mid hoggaanka Xisbigu hore Murshaxnimo ugu doortay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxaanay arrintani sababtay muran xoog leh oo dhinacyada Xisbigu dacwad ku galeen maxkamadda Sare ee dalka oo akhirkii kiiska dacwaddooda ka soo saartay go’aamo wax weyn ka beddelay murankii labada dhinac.










