CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Golaha Wakiillada oo u ballamay wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeer No 20 iyo Soo-Jeedinta Guddiga loo Xil-saaray

Hargeysa, 01 July, 2012 (Ogaal)- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland ayay Mudanayaasha Goluhu waxay Warbixin kaga dhagaysteen Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca oo ka warramay wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka doorashooyinka Golayaasha deegaanka Iyo Madaxtooyada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed C.laahi (Cirro) oo Fadhigan shir-gudoomiyay, ayaa sheegay inay gudo gali doonaan dib u eegista iyo kaabista lagu samaynayo xeerka doorashada golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada oo Madaxweynuhu golaha u soo gudbiyay.

Gudoomiyaha Gudi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Madashii Fadhigaasi warbixin ka soo jeediyay, ayaa tilmaamay in doorashadii hore ee deegaanka lagu kala baxayay sida loo kala horeeyo ee habka liistada ah, waxaanu xusay inuu wax-ka-beddelkani taabanayo in doorasho xiliyeedka Labaad ee Golaha Deegaanka ee soo socota iyo ta Baarlamankaba la isla qaatay in qofka la doortay uu soo baxo.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay inay gudi ahaan markii ay arkeen soo jeedinta Madaxweynaha ee wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka doorashada deegaanka iyo Madaxtooyada ee Xeer No 20, lifaaqiisa Afraad, isla markaana ay Guddi ahaan la kulmeen Komiishanka Doorashooyinka Qaranka kuna qanceen soo jeedinta Komiishanka sidoo kalena ku qanceen in Wax-ka-beddelkani ku kooban yahay doorasho xiliyeedka labaad ee Deegaanka oo keliya, waxay Guddida Arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiiladu soo jeediyeen  in doorashada soo socota la go’aamiyay in lagu galo diiwaangelin la’aan sidaa darteed ay haboon tahay in la is waafajiyo qodobada diiwaangelinta taabanayay.

Golaha ayaa la filayaa in maanta la ansixiyo wax ka bedelka iyo lifaaqa xeerka doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada ee Xeer No 20.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE