Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo si Habsami ah Dalka uga Bilaabmay, Wasiirka Waxbarashada iyo Xafiiska Imtixaanaadka oo ka hadlay
Somaliland, 01 June, 2012 (Ogaal)- Gobollada iyo Degmooyinka dalka waxa shalay si rasmi ah oo aan doc-wareen lahayn uga bilaabmay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee fasallada Sideedaadka ee Dugsiyada Dhexe iyo fasallada afraad ee Dugsiyada Sare, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa tilmaantay in imtixaanku uu si habsami ah shalay uga wada bilaabmay guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka waxaanay ardayda ku guubaabisay in wixii ay soo barteen ay ka muuqato ,Wasiirku waxaa kale oo ay kula dardaartay ardayda inay ilaaliyaan habsami u socodka imtixaanaadka Shahaadiga ah oo ay sheegtay inuu sannadkan ka fudud yahay sanadadii hore.
“Dhammaan Imtixaanadkii wuu ka qabsoomay Gobalada Somaliland oo dhan. Ceerigaabo ilaa Bariga Gobolka Sanaag. Gobalka Sool-na waxa lay sheegay isagana inuu si wacan uga socdo meelkasta oo Somaliland ka mid ah saaka (shalay subax) ayuu ka bilamay Imtixaankii. Waxa kale oo wuu ka bilamay Imtixaaka ashahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo Dugsiyada dhexe Hadaftimo ilaa Kalabaydh, Xiingalool, Badhan dhammaan Gobalada Somaliland meel kasta oo ku qabsoomayo Imtixaanka shahaadiga ah waxa loo galay si deggen,” Sidaas ayey tidhi Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashadda Daa’uud Axmed Faarax ayaa dhiniciisa ka sheegay in guud ahaan dalka uu si nabadgelyo ah uga bilaabmay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare, waxaanu sheegay in Degmada Toqoshi oo dhanka galbeed ah iyo ilaa Degmada Buraan oo dhanka Bari ee Somaliland ah uu imtixaanku isku daqiiqad ka bilaabmay.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in ugu yaraan 143 goobood uu imtixaanku ka bilaabmay iyadoo ay nasiib u yeesheen, sida uu sheegay, arday gaadhaysa Sideed iyo Toban Kun oo Arday oo isugu jirta fasallada Sideedaadka ee dugsiyada dhexe iyo fasalada Afraadka ee Dugsiyada Sare.
Mudane Daa’uud waxa uu si gaar ah u sheegay in Degmada Buuhoodle uu Imtixaankii si rasmi ah uga socday shalay, iyadoo uu halkaa ku sugan yahay Gudoonka waxbarashada ee Gobolka Buuhoodle Cabdirisaaq Saleebaan Aadan Colaad (John).
Dhinaca kale, Wararka aanu ka helay gobollada dalka, ayaa sheegaya in imtixaanka shahaadiga ahi si habsami ah uga bilaabmay deegaamada kala duwan ee dalka iyadoo ay kormeer ku mareen Madaxda heer gobol iyo mid degmo.
Gobolka Saaxil waxa habsami-socodka Imtixaanaadka kormeeray Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md Cali Xaamud Jibriil oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan (Ramaax) oo indho-indheeyay dugsiyada ku yaal Magaalada Berbera ee imtixaanka Shahaadiga ahi ka bilaabmay.
Geesta kale Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Togdheer, ayaa kormeeray dugsiyada uu ka socday imtixaanka Shahaadiga ahi.
Goobaha ay imtixaannaadku uga socdeen Ardayda Fasallada Siddeedaad ee Dhexe iyo Afraad ee Sare ee gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama waxa jewiga habsami u socodka imtixaanaadka kormeeray Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal Md. Axmed Cige Riiraash oo ay wehelinaayeen masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada Somaliland iyo ku-simaha Badhasaabka Gobolka Awdal.









