Shirka Daallo: Dhawaaqa Gudida Qabanqaabada ee furitaanka + Hanjabaadda Maayarka Ceerigaabo & Dhimista Tirada Madax-dhaqameedka Habar/yoonis oo hoosta laga xarriiqay
Hargeysa, 28 Juun 2012 (Ogaal)- Gudida qabanqaabada shirka lagu wado inuu uga furmo beelaha Habar/yoonis Buurta Daallo ee magaalada Ceerigaabo, ayaa shalay mar kale ku celiyay inuu shirkaasi u furmayo sidii loogu talogalay.
Gudidan oo dadweynaha la hadlayay mar ay gaadheen goobta shirku ka dhacayo shalay, ayaa sheegay inaanay waxba iska bedelin waqtigiisii. Hase yeeshee, mar uu shalay shir jaraa’id ku qabtay Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur xafiiskiisa, waxa uu sheegay inaanu shirkaasi sharci ahayn, isla markaana aanu wax shir ahi ka dhacayn magaalada. “Waxaan ummadda u cadaynayaa inaanu jirin wax shir ah oo degaanka Daallo ee duleedka Ceerigaabo uga furmaya beelaha Habar/yoonis. Sababta oo ah, waxa shirkaasi ay salaadiintii iyo waxgaradkii gogoshiisa lahaa soo saareen baaq ay u dhan yihiin oo ay dib ugu dhigeen illaa 10-ka October ee fooda inagu soo haysa.” Ayaa ka mid ahaa hadalkii Maayarka Ceerigaabo. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan ahay oday beelaha shirkan qabsanayay ka mid ah, sidaasi darteed, waxaan ugu celinayaa mar kale inaanay odayaasha iyo mudanka ardaayadda beeluhu ku soo lug-go’in Ceerigaabo….waxaanan leeyahay ninkii Illaahay gaadhsiiyaa ha yimaado xiligaasi loo muddeeyay.”
Marka laga yimaado hadalka Maayarka Ceerigaabo oo ku soo beegmaya maalin keliya ka hor xilligii la sheegay inuu shirkaasi bilaabmayo, waxa isaguna dhankiisa shirkaa ka hadlay Afhayeenka Shirkaas Maxamuud Dirir Xasan (Hawl), kaasoo sheegay in carqaladda koowaad ee shirkan la doonayo in lagu daweeyaa tahay Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka ay tiradoodu hogaanka goosatay, isla markaana aanay wax dhibaato ahi kaga iman dhinaca Xukuumadda.
Mr. Hawl oo u waramayay shabakadda Oodweynenews, kana hadlayay halkay wax marayaan iyo ujeeddooyinka ugu waawayn ee shirkan loo qabanayo, waxa uu yidhi, “Dadka Qurba-jooga ah iyo xubno-sharafeedka mooyaane, dhammaan ergooyinkii kale way soo gaadhayaan Buurta Daallo. Laba qoddob ee ugu wayn ee aanu ka hadlaynaa, waxa weeye, qoddobka koowaad in Beesha Habar-yoonis lagu celiyo xeerkii hore ee Suldaan Diiriye, qoddobka labaadna waxa weeye in la isku-tashado dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka. Waxaanu samaynaynaa Salaadiin muhiim ah oo madax-sare ah iyo Guddiyo iyo meel Habar-yoonis xukunkeedu ka go’o haddii lagu heshiiyo.”
“Inadeer dhulka waxa ka jirta baahi. Magacyada la qaatayna (Salaaddiinta), waa magacyo marka hore dad aan miisaan lahayn ay iska wada qaateen. Dabadeedna waa dad ay dawladu ku garaacday weeye sababtu ee nin Habar-yoonis ah oo necebi ma jiro. Habar-yoonis waa quwad, markaa Habar-yoonis waxay ku tashatay inaanay Dawlada waxba yeelin, balse waxa laga uriyay Habar-yoonis ayaa isu-tegaysa oo wax bay goosanaysaa weeye. Waar anagu waxba goosamayno. Anagu Dawladan waxba kuma lihin ee hadana waxaanu is nidhi haddaad u sharaxan tihiin Madaxtinimada dalka waxba ha yeelina ee Xukuumadu iyadaa ayaa shakiday oo Habar-yoonis….xukuumadu waxay nagu samaysay ilaa saacadan ma jiraan oo Habar-yoonis. Waa nalaga hor-keenayaa oo waa nala carqaladaynayaa ilaa Wasiirrada iyo Caaqilada mooyaane, wax dawladu ay nagu faragelisay ma jiraan.” Ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeenkaasi.
“Cuqaasha Habar-yoonis waxay maraysaa immika….oo maaha Cuqaashii hore oo way dhamaatay. Waxa kale oo jirta nimanka Cumaamadaha qaatay ee Salaadiinta ahi tiradoodu ma xadidna, waxaana nin walba haysata baahi xagga faqriga ah oo waa baahidaas ta ay dawlada kula carrarayaan, mushkiladuna waa halkaas.” Ayuu yidhi Mr. Hawl. Isaga oo ka hadlaya waxa ay doonayaan inuu shirkani horseedo, waxa uu yidhi, “Anagu waxaanu doonaynaa in Habar-yoonis meel keliya looga taliyo oo la joojiyo Saladiintan faraha badan. Waxa magaalada Hargeysa laga soo sheegayaa in Wasiirka Duur oo ciidan wataa uu doonaayo inuu shirka weerar ku soo qaado, waxaana noo sheegay dad wax looga qaateen ah. Ninka Habar-yoonis ee shirkaas yimaada waxaanu doonaynaa inaanu wadahadal aanu ku kala badbaadno.”









