CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Urur-siyaasadeedka Waddani oo magacaabay maamulka heer gobol ee Awdal iyo kuwa degmada Boorama

Hargeysa, 28 June, 2012 (Ogaal)- Urur-siyaasadeedka Wadani oo ka mid ah lixda urur ee cusub ee saddexda xisbi ee kumeel-gaadhka ah kula tartamaya doorashooyinka Deegaanka Somaliland, ayaa shalay dhisay maamulkooda heer gobol ee Awdal iyo ka degmada Boorama.

Sida lagu sheegay qoraal ay ku saxeexan yihiin guddoomiye kuxigeenka 1aad ee ururkaas Axmed Muxmed Seed, Dr. Axmed Aaden Buuxane iyo Xasan Xuseen Maxamed oo ka tirsan hoggaanka ururkaas, waxa shalay si rasmi ah loo magacaabay 15 xubnood oo isugu jira maamulka ururkaas ee gobolka Awdal iyo kuwa degmada Boorama, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Maanta oo ay taariikhda bisha June 27/06/12 waxaa si rasmiya Gobolka Awdal looga dhisay maamulkii heer gobol iyo kii Degmada Boorama ee urur siyaasadeedka WADANI.

Mas’uuliyiinta loo doortay xilalkaa kala duwan ee heer gobol iyo heer degmo waa sida tan.

Heer Gobol;

1. C/kariim Muuse Maal (Gudoomiyaha Gobolka Awdal)

2. C/qaadir Daahir Ojor  (Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Awdal)

3. Sahra Aw-Cilmi Maxamuud ( Gudoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Awdal)

4. Kharda Cismaan Cumar (Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Haweenka Gobolka Awdal)

5. Maxamed Geedi Qayaad  (Xoghayaha Gobolka )

6. Maxamed Aadam Maxamuud (Kaarto) (Gudoomiyaha Abaabulka)

7. Maxamed C/kariim Daahir Ducaale (Korea)  Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada G/awdal)

Heer Degmo

1. Eng. Dheeg Maxamuud Ducaale  (Gudoomiyaha Degmada Boorama)

2. Xasan Siciid Guuleed (Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Boorama)

3. Hinda Cabdi  Cali  (Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad)

4.C/laahi Cismaan Yuusuf  (Xoghaya Degmada)

5.Yoonis Ducaale Cabdi  (Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Degmada)

6. Safiya Cabdi Nuur ( Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Degmada)

7.Hodan Sheekh Axmed Salaan (Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Haweenka)

8.Cumar Muuse Cilmi  ( Gudoomiyaha Abaabulka Degmada)

Hogaanka Sare.

Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Urur Siyaasadeedka WADANI, Mudane Axmed Mu’min Seed

2-Dr: Axmed Adam Buuxane

3-Mudane Xasan Xuseen Maxamed.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE