CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Wasiirkii hore ee Dhalinyarada & Ciyaaraha Xukuumaddii UDUB oo ka hadlay Dhismaha Dekedda Laasqoray iyo Ujeeddada Faro-gelinta Maamul-goboleedka Puntland

Hargeysa, 27 June 2012 (Ogaal)- Wasiirkii hore ee Wasaarada ciyaaraha Somaliland ee xukuumadii Madaxweyne Xisbiga UDUB Maxamuud Siciid Maxamed, ayaa  ka hadlay muranka ka taagan dhismaha Dekedda Laasqoray oo dhismaheeda lagu xidhiidhiyey maamul-goboleedka Puntland.

Md. Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu sheegay inay Dekeda laga yagleelayo degmada Laasqoray ay dhisanayaan dad ganacsato ah oo ka soo jeeda deegaamada Sanaag Bari oo taageero iyo farsamo ka helaya maalgashadeyaal shisheeye ah, isaga oo beeniyey in maamul-goboleedka Puntland aanu saamayn iyo faro-gelin midkooda ku lahayn dhismaheeda.

Maxamuud Siciid  Maxamed oo shalay warbaahinta kula hadlay huteelGuuleed ee Magaalada Hargeysa, waxa uu qorshaha dhismaha dekeddaas ku sheegay mid ka yimi dadka deegaankaas oo uu sheegay inay baahiweyn u qabaan deked ay wax kala soo dagaan, isaga oo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi, “Puntland dekedda Laasqoray ma dhisayso oo wax dhismana kama waddo. Waxaanan weliba kuu cadaynayaa inaany raalina ka ahayn in la dhiso Dekeda Laasqoray oo sababtu waxa weeye istaraataji ahaan waad garan kartaa Laasqoray iyo Boossaaso inta kiloomitir ee ay isu-jiraan, waxayna isu-jiraan 90 KM. waxay ka dagaalamayaan in Deked kale oo 90-KM meel u jirta Boossaaso in laga sameeyo,” ayuu yidhi Maxamuud Siciid, isaga oo intaas ku daray,”Waxaan sheegayaa in rag aqoon-yahan ah ay shirkado caalami ah oo danaynaya mustaqbalka Dalkeena khayraadka kujira doonaya inay ka faa’iidaystaan ayaa dekeddan doonaya inay dhistaan.”

Md. Maxamuud Siciid Maxamed waxa kale oo uu ku dooday in faro-gelinta Maamul-goboleedka Puntland ee deegaankaas uga dan leeyihiin si looga hortago deked laga hirgeliyo magaalada Laasqoray iyo inuu Maamulka Puntland sida caadada u ah ka soo horjeedo dhaq-dhaqaaqa dawladu ka samaynayso Barriga Sanaag waxaanu yidhi, “Waxa kale oo aan sheegayaa Maamulka Puntland waxay ka soo horjeedaan dhaq-dhaqaaqa ay baryahan xukuumadu ka wadday ee ay ka samaynaysay Bariga Sanaag iyo meelaha ay ku war wareegayaana waxay uga jeedaan inay fidmo ka dhex abuuraan deegaankaas, si dekeddaas u joogsato oo la isugu dilo ayey Puntland doonaysaa.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE