CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Madaxweyne Siilaanyo oo Beesha Caalamka ugu baaqay inay Ixtiraamaan Taariikhda Qaranimada iyo Go’aanka Shacabka Somaliland

Hargeysa, 26 June, 2012 (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inaanay ka masuugin Aqoonsi ay siiyaan Somaliland iyaga oo ixtiraamaya Taariikhda Qarannimada Somaliland iyo go’aanka shacbigu dedaalka ugu muujiyeen inay dhistaan  waddan nabad ah oo ay ka hano-qaadday hannaan dawladnimo oo Dimuqraaddi ah.

Waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiirri-geliyey inay ka feejignaadaan dabarrada cadowga Somaliland iyo cid kasta oo isku dayeysa inay waxyeello gaadhsiiso nabadda, midnimada iyo Qarannimada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sidan ku sheegay dhambaal uu shacbiga shacabka Somaliland hamalyo ugu diray munaasibadda Xuska sannad-guurada 52aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo ku beegan maanta oo kale 26 June, 1926-kii.

Dhambaalka hambalyo ee madaxweynuhu shacbigiisa ugu diray munaasibadda 26 June awgeed ayaa isaga oo dhammeystiran u dhignaa sidan:-

 “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga   Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid  noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay  inay Jamhuuriyadda Somaliland ay guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,.

Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay  la masuugin aqoonsiga  ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku  xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan  dawladnimo, dimuqraadiya  oo si wacan u hanaqaaday sidaana  la wada ogyahay loona qirsanyahay.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny  wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE