CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

‘Madaxweyne Warbaahinta Abaalkeedu maaha laba TV baanu u yeedhanaye iska taga!’

Ogaal Staff Writter

 Iyada oo warbaahinta dalka uu sharcigu u damaanad-qaaday helitaanka xogta iyo wararka, ayaa muddooyinkii dambe, waxa soo badanaya cadaaddis xukuumadu taas kaga soo horjeedo iyo in si aan banaanayn loo kala xusho warbaahinta qaranka.

Inkasta oo loo arkayay in Xukuumaddani ay wax badan kala socoto waajibaadka ka saaran fududaynta helista macluumaadka iyo wararka ay baahinayso ee hay’addaha warbaahintu xaqa ugu leeyihiin si ay iyaguna ugu adeegaan qarankooda, ayaa taasi waxay u muuqataa mid aanay waxba ka soconayn, maadaama oo Xukuumadu caadaysatay inay bixinta wararkooda u xushaan hay’ado gaar ah. Isla markaana inta badan warbaahinta si aan haboonayn loola socodsiiyo inay wararkooddaas ka sii qaataan warbaahinta mudnaanta la bidayo ee sida gaarka ah loo xulanayo.

Tan waxa tusaale ugu filan, markii shalay Xarunta Madaxtooyada uu Madaxweynuhu shirka balaadhan u qabtay Hay’addaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee lagula xidhiidhinayay baaqii qayla-dhaanta abaaraha dalka ka jira. “Anagu waxaanu u yeedhanay laba TV. Intiina kale laydiinma baahna ee hadaad warka u baahan tihiin iyaga (Labada TV) ka qaata,” sidaa waxa weriyeyaashii ku yidhi mid ka mid ah ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo gacanta ku hayay waraaqdii ay ku qornaayeen TV-yada loo yeedhay ee gaarka ah, kaasoo hadalo aflagaado ahaa u raaciyay. Intaa ka dib, qaar ka mid ah warbaahinta ayaa la xidhiidhay masuuliyiinta Madaxtooyada, balse mid ka mid ah masuuliyiintii lala xidhiidhay waxa uu isna ku jawaabay, “Cid kale uma baahnin ee labadaa TV oo keliya ayaanu u yeedhanay ee iyaga warkaa ka qaata, iyagaa idin siinayee!” Baaqa iyo farriintii shalay uu Madaxweynuhu gudbinayay waxay ahayd arrin loo baahnaa oo mudan in cid kastaaba iska xil-saarto, waxaana loo baahnaa in dhamaan warbaahintu si waafiya u faafiso, balse natiijada hab-dhaqankii shalay lagu kala soocay warbaahintu waxa uu dhaxal-siiyay in warbaahinta qaar badani, sida taleefishano dalka ka hawlgala aanay sii dayn, maadaama oo aanay u suuragelin in fursad loo siiyo bixintii warkaas. Sidaa daraadeed, waxa is-waydiin leh cidda ay taasi nusqaan ku tahay? Dhan kale, marka laga eego, talaabo kasta oo horumar leh oo Xukuumadu ku talaabsato warbaahintu waa ta faafisa, isla markaana Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa markhaati ma doon ah inay warbaahinta madaxabanaani si dhaw ula shaqaysay, hadh iyo habeena ay diyaar u tahay faafinta horumarka fiican ee dawladooda iyo dalkoodu ku dhaqaaqo, sidaa aawadeed, waxa uu qallinku leeyahay “Madaxweyne Warbaahinta Abaalkeedu maaha laba TV baanu u yeedhanay ee iska taga!”’

Haddaba, hab-dhaqanka noocan oo kale ah oo ku cusub warbaahintu inay la kulanto, isla markaana lagu arkayay Xarunta Madaxtooyada muddooyinkii ugu dambeeyay, ayaa loo arkaa inuu meesha ka saarayo nidaamkii dimuquraadiyadeed ee xorriyadda saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka, sababta oo ah, marka loo sinaan waayo helista wararka, waxay taasi kow ka tahay nooca cabudhin gaar ah oo xukuumadu ku faquuqayso warbaahinta madaxabanaan ee dalka ka hawlgasha.

Ugu dambayntii, hadii aanay masuuliyiinta kala duwan ee dawladda iyo Madaxtooyadu sidan kaga raali ahayn cidda kala faquuqaysa warbaahinta, waxa looga fadhiyaa inay hab-dhaqanka noocaas ah wax ka qabtaan.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE