CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Kulankii Shalay: Hirdankii labada dhinac, Qaboojintii Dhex-dhexaadiyeyaasha & Qodob layska Riixay

Hargeysa, 21 June, 2012 (Ogaal)- Degaanka Kent ee duleedka London, ayaa shalay gelinkii dambe waxa ka bilaabmay kulan ay isku soo hor-fadhiisteen Somaliland iyo Somalia.

Kulankan oo ka dhacayay qasri uu ku nasto Wasiirka Arrimaha Debedda ee Ingiriiska William Hague iyo weliba Raysal-wasaare ku-xigeenka dawladda Wadaagga ah ee dalkaas, ayaa la sheegay in albaabadu u xidhnaayeen wufuudda labada dhinac ka socday, iyada oo taasna lagu sababeeyay in mawqifyada kala fog ee la kala aaminsan yahay awgeed laga ilaaliyo warbaahinta dunida hadiiba labada dhinac uu hadalku ka tag-taagmo.

Dhanka kale, wararka laga helayo magaalada London, ayaa sheegaya in shirkaasi ku bilaabmay jewi xaraaradiisu sarayso oo ka dhashay qoddobka ugu xasaasisan ee siyaasadda, kaasoo kiciyay jewigii shirka, isla markaana labada dhinacba uu hadalku ka taag-taagmay. Hase yeeshee, siday wararku sheegayaan murankaa dheer ka dib waxa la gaadhay waqti kooban oo nasasho ahayd. Dabadeedna intii hoolka shirka banaanka lagaga maqnaa ayay dhexdhexaadiyeyaashu labada dhinac la kala yeesheen shirar-doceedyo lagu dejinayay jewigii uu shirku ku socday.

Wararku waxay sheegayaan in markii nasashada laga soo noqday gees laysaga riixay qoddobkii muranka dhaliyay, isla markaana kulankaas intiisii dambe waxa la sheegay in lagaga wadahadlay arrimaha iskaashiga, nabadgelyada iyo hantida guud ee ka dhaxayn jirtay labada qaran. Siday wararku tibaaxeen, qoddobaddaas lagaga wadahadlay fadhigii dambe laftooda dood adag baa dhex-martay, balse wararku may sheegin wax layskaga af-gartay ama laysla meel-dhigay. Shirkan oo aad looga fogeeyay indhaha saxaafadda caalamka, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay fool-ka-fool isugu soo hor-fadhiistaan Somaliland iyo dawladda TFG, waxaana lagu wadaa inay labada dhinac soo saaraan war-murtiyeed la xidhiidha waxyaabihii shirkaas lagaga wadahadlay.

Wufuudda labada dhinac shirka uga qaybgalayay shirka ayaa markii ay gaadheen magaalada London, waxa uu dhinac kastaaba saadaaliyay waxa ay rajaynayaan inuu ka soo baxo shirkaas. “Shirkan waxaanu ka filaynaa inuu fursad siiyo Somaliland iyo dawlada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya inay ka wadahadlaan amuuro fara badan iyo xidhiidhka labada dal. Ka wefti Somaliland ahaan, waxaanu rajaynaynaa inay noqoto dariiq cusub oo ay Somaliland u marayso sidii ay Soomaaliya iyo beesha Caalamkaba uga heli lahayd taageero, ictiraafka qadiyada iyo madaxbanaanida Somaliland,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Mar wax laga waydiiyay waxay ka iibinayaan gudigga ay la kulmayaan, waxa uu ku jawaabay, “Gudidani waa gudi-qaran oo metalaya qaybihii kala duwanaa ee qaranka haddii ay baarlamaan tahay, haday xukuumada tahay iyo xisbiyada qaranka intaba, waxayna ka turjumaysaa wada-jirka sida ay xukuumada iyo qaybaha kala duwan ee dalka ay uga midaysan yihiin horumarinta qadiyada, madaxbanaanida, nabadgalyada Somaliland.”

Dhinaca kale, hogaamiyaha weftiga TFG Cabdisamed Macallin Maxamuud Sh. Xasan oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya oo isna dhiniciisa wax laga waydiiyay shirkaas waxay ka filayaan, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Muddo dheer oo dhawr iyo laabatan sano ah waa markii ugu horeysay oo uu shir noocan ahi furmo, waxaan rajaynayaa haddii Illaahay ka dhigo inay ka soo baxaan wax ummadda Soomaaliyeed ku farxaan meel kasta ay joogaanba. Wejiga  koowaad ee shirka wixii ka soo baxa wuxuu gogal-dhig u noqon doonaa shirka labaad, kan waxaan u sii xaadhaynaa sidii ay wax u bilaami lahaayeen wadahadalka, markaa kuwa kale waxay daba raacayaan wixii ka dhasha.”

Mar la wadiiyay sababta ay dawladda TFG oo mudo koobani u hadhay ay heshiisyo u gali karto, waxa uu ku jawaabay, “Sida run ahaantiiya waxa weeye, immika maaha in wax gaar ah la samaynayo ee waxay tahay in barnaamij mudo dheer laga soo shaqaynayay ay bilaabmayso. Haddii ay dhacdo inay xukuumad kale timaado, kolley dariiqii la bilaabay mid marta oo ku sii socon doonta ayay noqonaysaa ee maaha barnaamij shakhsiyaad gaar ahi wada-galayaan, waa barnaamij ay xukuumadi galayso, markaa wixii hada bilaabmay waxay noqonaysaa inay halkaa ka sii wadaan.”

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE