CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Wasaaradda Caafimaadka oo Dhaliilo iyo Digniino u Jeedisay Goobaha Caafimaadka ee Gaarka loo leeyahay

Hargeysa, 21 June (Ogaal)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay tayada adeegga ay bulshada u fidiyaan xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay iyo go’aanka ay wasaarad ahaan ka taagan yihiin kalsoonida ay ku qabaan inay bulshada u gudbiyaan adeeg hufan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa sheegay inay jiran Xarumo caafimaad oo dhibaatooyin ku haya bulshada kuwaas oo ay sheegtay in loo samaysay in dadka lagu baadho isla markaana waxay ka digtay Caafimaad-darro ka jirta goobahaas ay sheegtay inay yihiin Cilaajyo lagu xereeyo dad xaaladahooda caafimaad kala geddisan yihiin.

Marwo Nimco Xuseen  oo shalay ka hadashay shir ay ku kulmeen Dhakhtaariirta dalku, waxay ka digtay saamaynta ay bulshada ku leeyihiin dadka ganacsiga u furtay iibinta daawooyinka oo ay sheegtay in badankoodu aanay aqoon Caafimaad lahayn, iyada oo sidoo sheegtay in Dukaamada Daawooyinka iibiya qaarkood aan laysku halleyn Karin.

Marwo Nimco waxay heerka caafimaadka dalku marayo ku masaashay dhibaatada maanta bulshada ugu badan ee Dhulka laysku qabsado iyada oo xustay in Caafimaadkiina ka mid noqday waxyaabaha lagu murmo isla markaana xirfaddii caafimaadka ay galeen dad aan ehel u ahayn, waxaana hadalkeedii ka mida ahaa, “Runtii waxaynu aragnaa in jagooyinka lagu murmo oo la isku qabsado. Waxaan u maleynayaa xirfadii Caafimaadkuna waxay noqotay wax yaabaha lagu murmo oo Caafimadkii ay galeen dad badan oo aan ehel u lahayn. Saamayn badana bulshada nolosheedii ku yeeshay runtii .Markaynu dib u eegno 1988-kii iyo wixii ka horeeyay wax Cilaaj la yidhahdaa may jirin. Waaliduna siday maanta inagu tahay may ahayn, maantana haddaynu meel yar oo kooban aynu ka eegno Hargeysa waxa ka jira laba boqol (200) oo gobood oo dadka loo furtay oo lagu baadho oo Cilaaj iyo dhakhtar waalida lagu sheegay ayaa jira. Runtii anigu waxaan idinka codsanayaa oo marti idinka nahay haddaanu nahay bulshada reer Somaliland, madaama aad tihiin dhakhatiirtii qaranka inaad u gurmataan oo aynu u hawl-galno sidii baadhis loogu samayn lahaa meelaha bulshada lagu xereeyay.” “Dumarka ayaa lagu kufsadaa, dadka Eydhiska qaba ayaa la geeyaa, naagta hinaasta ayaa  ninkeeda ku xidha, siyaabo badan ayaa dhulkaas looga faa’idaystaa. Markaa waxaynu u baahanay hadaynaan dhukaas aynaan ka hawl-gallin oo aynaan baadhis xoog leh ku samayn, in bulshadeena dhaawac badani uu halkaas ka soo gadhaayo,” ayay raacisay hadalkeeda.

Wasiirku waxay ka digtay khatar caafimaad-darro oo ka dhalan karta Goobaha Cilaajyada ee dadka laysugu soo ururiyo, “Waxa kale oo ay ka qadayaan cudurro kale oo qol yar oo afar mitir ah ayaa labaatan nin oo xoog waaweyn laysugu keenayanaa. Waxa la keenaa dadkii qurbaha laga keenay ee uu ku dhacay Isku-buuqu (Depression) oo aan dawo la siinayn ee waxa lagu daweenayaa suun lala dhacayo, Markaa runtii bulshadeenu halkaas waxay ku qabtaa dhibaato aad ah oo u baahan in wax laga qabto,” Sidaas ayey tidhi Nimco Qawdhan.

Marwo Nimco Qawdhan sidoo kale waxay sheegtay in loo bahan yahay sidii xoogga loo saari lahaa Farmasiyo ay sheegtay inay dawooyin dhacay dadka ka iibiyaan isla markaana aanay ka hawl-galin dadka aqoon-caafimaad leh iyo dhibaatooyinka ay bulshada ku hayaan, isla markaana mulkilayaasha Farmasiyada waxay  u soo jeedisay inay is-diwaan galiyaan, “Qodabka labaad ee loo bahan yahay inaynu xooga saarno waxa weeye farmasiyada dadka iibiya oo aan ka iibin dawadii qofka ku haboonayd ee waraaqda ugu qornaa ee dhakhtarku soo qoray.markaa waxaad moodaa in maanta Caafimadkeenii uu gacata ugu jiro dad aan ehel u lahayn oo ku talo-galay inay baayac-mushtar ka daydaan dawooyinka khatarta ah oo waxay iibinayaan dawooyinkii dhacay oo majirto cid ka eegtay dawooyinka ay iibinayaan,” ayey tidhi Wasiirku.

Waxay ugu dambeyntii ka codsaday dhakhaatiirta kulanka ka qayb-qaadatay inay gacan ka geystaan isla markaana wasaaradda caafimaadka la garab-istaagaan Aqoontooda si wax looga qabto, loona diiwaan-gelin lahaa mulkiileyaasha Farmasiyada daawooyinka lagu iibiyo.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE