Suldaan Maxamed oo ka hadlay Aragtidiisa Wada-hadallada Somaliland/Somalia iyo Dad Shacab ah oo ku xidhan Jig-Jiga
Hargeysa, 21 June, 2012 (Ogaal)- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda ee Itoobiya ugu baaqay inuu cafis u fidiyo oo uu soo daayo afartameeye qof oo ku xidh-xidhan Jeelka Jig-jiga ka dib markii lagu qabtay iska hor imaad deegaanka Dacawalay ku dhex maray laba beelood oo ood-wadaag ah.
Suldaan Maxamed waxa kale oo uu guul ku tilmaamay wada-hadallada hordhaca ah ee u furmay Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo soo jeediyey in wejiga labaad ee wada-hadallada lagu qabto magaalada Hargeysa si loogu quus gooyo hadal-haynta Somalia ee go’itaanka Somaliland, isaga oo tan ku micneeyey inay suurto-galayso marka ay arkaan horumarka iyo nabad-gelyada ay Somaliland haysato.
Suldaan Maxamed oo ka hadlayay dadka ku xidhan magaalada Jig-jiga, waxa uu yidhi, “Waxaan soo dhawaynayaa baaqii nabadeed uu Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi 16-kii bishan u soo jeediyay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu kaga dalbaday in nabad laga dhex islaaxiyo beelaha oodwadaagta ah ee wada dega deegaanadda dawlad deegaanka Soomaalida. Waxaan qabaa in madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Muxumed Cumar uu yahay madaxweynihii u horeeyay ee deegaanka Soomaalida Itoobiya soo mara ee waxqabad muujiyay gobolkana horumar u bilaabay. Waan hambalyaynayaa waxqabadka uu muujiyay. Waxaan jecelahay inuu noqdo colaadihii deegaanka Soomaalida shanta qarni soo taxnaa inuu maanta u beddelo nabad, horumar iyo kor u qaadista nolasha iyo adeegyadda bulshadda ee ummaddiisa.”
Suldaanku isaga oo baaq u diraya Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa uu yidhi, “Waxaan qabaa in deegaanka Soomaalida Itoobiya aanu imika jirin qof shaqo la’aan meel iska Joogaa oo uu madaxweynahani sameeyay shaqo abuur isla markaana dhaqaajiyay maamulkii dawliga ahaa. “Waxaan leeyahay Madaxweyne adigu ma tihid madaxweyne Reer ee waxaad tahay madaxweyne Soomaaliyeed waxaan kaa dalbanaynaa inaad colaada deegaankaasi ka soo jirtay inaad adigu nabad ka dhex islaaxiso dadkaaga. Beeluhu waligood way is qaban jireen, wayse heshiin jireen. Waxaan madaxweyne kuu soo jeedinayaa inaad u soo jeedsato oo aad arrinta colaada ka oogan hawdka aad dhamayso. Waxaan kuu soo jeedinayaa inaad dadka jIg-jiga ku xidhan aad cafis u fidiso oo aad soo dayso.”
Suldaan Maxamed oo u warramay Shabakadda Wararka ee Somaliland.org, marka uu ka hadlayey arag aragtidiisa la xidhiidha shirka wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia uga furmay magaaladda London waxa uu yidhi, “Runtii Anigu waxaan u arkaa shirkan loo fadhiyo London, Somaliland waa dal nabadgelyo ka jirto oo degan, Soomaaliyana waa dal nabad gelyo darro ka jirto oo qiiqaya oo xataa waxaad arkaysaa in Tiyaatirkii Raysal wasaarahoodu joogay oo Ammisom ilaalinaysay in la isku dhex qarxiyay ammaankoodu heerkaasi ayuu joogaa. Waxaan qabaa wada hadaladan gogol xaadhka ahi markay dhammaadaan in kuwa dambe lagu qabto Hargeysa oo nimankan ina sheeganaya ee leh ma go’I kartaan indhahooda aynu tusno dawladnimadeenna, nabad-gelyadeena iyo waxaynu qabsanay. Waxaan qabaa haddii sidaasi la sameeyo way ku quusan lahaayeen oo waxay ogaan lahaayeen inaynu kala tagnay oo isla jaan qaadi Karin.”









