Badhasaabka Togdheer oo ka hadlay Nabad-gelyada Gobolka iyo Shir loogu gogol-xaadhayo Gogosha nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey Bulshada Buuhoodle
Hargeysa, 20 June, 2012 (Ogaal)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdow Ayir ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda nabad-gelyada gobolka isaga oo sidoo kale ka hadlay dilal dhowaan ka dhacay gobolka oo uu sheegay in wax-ka-qabashadooda ay hay’adaha amnigu gacanta ku hayaan.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ay gobollada Bari ee dalka uga hawl-gali kari waayeen sababo amni awgeed, isaga oo xusay in wakhtigan ay magaalada Burco xarun u tahay hay’adaha ka hawl-gala gobollada Bari.
Mr. Aayir waxa kale oo uu sheegay in madax-dhaqameedka Deegaanka Buuhoodle ay ogolaadeen gogoshii nabadeed madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay isla markaana dhawaan ay madax-dhaqameedka Buuhoodle iyo kuwa kale ee Somaliland ku kulmi doonaan deegaamada Hawdka.
Guddoomiyuhu isaga oo ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee gobolka waxa uu yidhi,“Runtii way jiraan dilal ka dhacay Gobolka sida meelkasta oo ka mid ah caalabka uu uga dhaco dilku. Wixii dilalkaas ku sabsanaana gacanta ayaa lagu hayaa oo ku haya Ha’yadda amniga iyo Ha’yadaha garsoorka. Bulshadana wax raada oo ay kaga tageen oo imika jiraa majiraan.”
Isaga oo ka hadlaya qaabka hawl-galka Hay’adaha Caalamiga ah ee ku sugan gobolka Togdheer iyo guud ahaan gobollada Bari, waxa uu yidhi, “Arrinta ku saabsan hay’adaha waa mid aan sal iyo raad toona la hayn oo waxba kama jiraan. Ha’yadduhu waxay imika ugu soo socdaan Gobalada Barri si xooga, xaruntooduna gobollada Barina waa Magaalada Burco. Waxaana idin cadayn ah Ha’yadda UNDP oo si toosa xarunteedii uga furanaysa Huteelka City Palaza, ha’yaddaha kalena way daba joogaan, waxa kale oo jira Ha’yaddo badan oo yimi Gobolka.”
Cabdow Aayir oo u waramay HCTV waxa kale oo uu sheegay in Madax-dhaqameedka Buuhoodle iyo kuwa kale ee Somaliland ay ku hawlan yihiin shir ay doonayaan inay ku sii ambo-qaadan nabadaynta beelaha deegaanka iyo gogoshii nabadda ee Maxaweynuhu fidiyey, waxaanu yidhi,.“Deegaanka Buuhoodle waa degaan ka tirsan Gobolka Togdheer, waana deegaan ay ka jireen dhibaatooyin iska caadiya. Madaxweynuhu sidii uu ugu dhawaaqay gogosha nabadda ee is-daba joogga ahaa ayey tan Salaadiintuna uu ambo-qaadkeedii yahay. Salaadiinta reer Buuhoodle iyo Salaadiintii kale ee reer Somaliland ayaa kulmaya oo ku kulmaya dhinaca jiidda Hawdka. Waxayna doonayaan gogoshii Madaxweynuhu uu fidiyey in sidii lagu soo dabbaalo oo dadka walaalaha ahna ay nabad kuwada noladaan”









