TUKARAQ: Firxadka Maleeshiyo-beeleedkii laga adkaaday oo u gacan galay Puntland oo ay hore uga Jebiyeen + Sababta Ciidamada Qaranku uga soo baxeen + Weedhaha Shacabkii ku Diirsaday
Tukaraq, 17 June, 2012 (Ogaal)- Malleeshiyaadkii shalay subax ciidamada Qaranka Somaliland ka saareen Tuulada Tukaraq ayaa Firxadkoodii galay Deegaamada ay ka taliyaan Ciidamada maamul-goboleedka Puntland kuwaas oo hubkii yo saannaddii ay siteen gacanta kaga dhigay isla markaana Maxaabiis ahaan jeelasha u dhigay.
Wararka laga helayo Deegamada Xuduudka Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ayaa tibaaxaya in sababta dhalisay in Maleeshiyo Beeleedka deegaanka ee firxad ah ay ciidamada Puntland maxaabiis ahaanta ugu qabsadeen, ayaa ka dambaysay ka dib markii labada dhinac uu hore dagaal ugu dhex maray deegaanka Tukaraq oo ay Maleeshiyo-beeleedku gacan ku-haynta tuuladaas kula wareegeen dagaalkaas.
Wararku waxa ay intaas ku dareen in goosan ka mid ah maleeshiyo-beedka ka firxaday tuulada Tukaraq ay u soo baxsadeen dhinaca deegaanka Buuhoodle, balse dadweynaha ku dhaqan deegaankaas ayaa kala hortagay Weji-gabax ay u muujiyeen Maleeshiyo-beeleedkaas oo isku dayey inay gabbood ka dhigtaan.
Ka dib qabsashadii Ciidamada Qaranka ee Tuulada Tukaraq oo muddo saacado oo ay ku sugnaayeen tuuladaas, waxay markiiba ku soo noqdeen fadhiisimadoodii hore, waxaana ay sida wararku sheegeen, Tuuladaasi gacanta u gashay ciidamada maamul-goboleedka Puntland oo markii hore ay maleeshiyo-beeleedka Nabad-diidka ahi kala wareegeen.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo shalay ka hadlay hawl-galka ay Ciidamada Qaranku ku tageen Tuulada Tukaraq, ayaa sababta Ciidamada Qaranku uga soo noqdeen deegaankaas ku tilmaamay Xeelad Milatari, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Cidamadii waxay ku sugan yihiin jiidii ay hore u joogeen, Waxaanu shacabka u sheegaynaa Ciidamadu umay soo noqon meel ay jecel yihiin ama halka ay joogi jireen ee istaraajiyad la dhigay oo culumo ciidamada inaga badisa ayaa dhigta sida loo dagaalamo oo wax la isu misaamay weeye. Marka meel cusub oo cadaw joogo aad rabto inaad qabsato waxaa loo bahan yahay in waxyaabo shuruudo ah ay kuu dhamaystiran yihiin markaad dagaalka aad qadayso. Waa xeelad Milatari oo aniga iyo cid kale aan shaqo ku lahayn oo aanaan faragalin-karin.”
Dhan kale, Isla markii ay Ciidamada Qaranku la wareegeen gacan-ku-haynta Tuulada Tukaraq, waxa dadweynaha tuulada la hadlay Maamul gobolka Sool iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka ee Jiidda hore kuwaas oo ugu baaqay inay is-dejiyaan isla markaana aanay soo dhawaysan shakhsiyaad dano-gaar ah wata oo iyaga dhibaato u soo jiidaya.
Guddoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali ayaa ka hadlay qaabkii ay ciidamada Qaranku ula wareegeen Tukaraq isaga oo tilmaamay dhibaatooyin ay maleeshiyadani ku haysay dadka deegaanka ku dhaqan, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaanu maanta (shalay) aan joognaa Tukaraq oo ka mid ah Gobalka Sool. Hadda Halkan aanu ku sagan nahay waxa weeye gurigii ay fadhiyeen maleeshiyaadka nabaddiidka ahaa ee Khaatumo. Illahay ayaa mahadleh iyada oo aan dhibaaato ka dhicin ayey saaka ka tageen wax dhibaana majiraan. Waxaana laga adeegsanayey qurbaha oo nimankani waxay ahaayeen niman shufta ah oo dadka dhibaato ku hayey. Waxayna halkan kaga carareen waraaqahan dhukumatiga ah ee cadeenaaya dhibaatada ay dadka ku hayeen.”
Qaar ka mid ah Odayaasha ku dhaqan tuulada Tukaraq ayaa tegitaanka Ciidamada Qaranka ee Tukaraq ku tilmaamay mid loo baahnaa, isla markaana ay u baahan yihiin nabad-gelyo ay bulshada ku dhaqan deegaanku ku noolaadaan. “Anagu Ciidanka Somamiland waanu soo dhawaynaynaa oo magaalada ka qiximayno oo waa dawladayadii. Waxaanu u bahanahay nabad-gallyo.”
Mid ka mid ah taliyeyaasha Ciidamada Qaranka oo isaga oo ku sugan tuulada Tukaraq la hadlay Odayaal iyo wax-garad soo dhaweeyey imaatinkooda, ayaa u sheegay inay gacanta ugu jireen Maleeshiyo nabad-diid ah oo dadka iyo deegaankaba go’doon ka dhigay, waxaanu ugu baaqay inay nabad-gelyada ay heleen ku faro-adaygaan maadaama laga caydhiyey kooxdii haysatay.
Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa shalay 6:30 subaxnimo ku waabariistay tuulada Tukaraq oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Nabad-diidka ah oo markii ay arkeen Cududda ciidamada Qaranka ka firxaday tuuladaas, waxanay Ciidamada Qaranku ku qabsadeen halkaas laba baabuur oo Tikniko, waxaanay maleeshiyadan la baacsaday dhibaato badan ku hayeen dadka iyo gaadiidka isticmaala jidka isku xidha Garoowe iyo Laascaanood.
Xaaladda Tukaraq ayaa deggenayd ilaa xalay iyada oo Maleeshiyadii haysatay u kala firxadeen afarta jiho, waxaana wararka deegaannadaas laga helayaa sheegayaan in hoggaamiyihii maleeshiyadaas Axmed-Karaash uu xalay firxadkii isaga oo wata Afar baabuur oo Tikniko ku galay degmada Taleex ee gobolka Sool.
Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada qaranku hadda ku sugan yihiin deegaanka Gambadha isla-markaana heegan culus la galiyey, si looga taxadaro weeraro gaadmo ah oo ka yimaada Maleeshiyaadka Nabad-diidka ah ama ciidamada maamul-goboleedka Puntland.









