Wasiirka Gashaandhiga oo ka hadlay hawl-gal ay Ciidamada Qaranku kula wareegeen Tukaraq
Hargeysa 17 Juun 2012 (Ogaal)- Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay hawlgal shalay Subax Ciidamada Qaranka Somaliland ay ku ruqaansadeen Tukaraq oo u dhow xuduudka Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Wasiir Wasaarada Gashaandhiggu waxa uu sheegay in ciidamada Qaranka Somaliland Shalay subax la wareegeen gacan ku haynta tuulada Tukaraq oo ay maalmihii u dambeeyay ku loolamayeen Maamulka Puntland iyo Maleeshiyo ka ka tirsan deegaanka, ay ka qabsadeen tuuladaas, isla markaana Wasiirka gashaandhu waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay maleeshiyaadkii ay halkaas ka qabsadeen laba gaadhi oo kuwa Ciidamada ah wax Khasaare ahina aanu ka dhicin.
Axmed X Cali Cadaami waxa kale oo uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay ku soo noqdeen Fadhiisimadii ay markii hore ka ruqaasadeen oo ay dib uga soo baxeen goobihii ay qabsadeen, waxaana hadaladisii ka mid ahaa, “Dhaq-dhaqaaqii Ciidamada jiida hore ay sameyeen oo iska caadi ahaa, waxay inta badan u badan tahay hab sahan ah waxayna maanta gadheen Tukaraq. dabadeed Tukaraq waxa joogay Maleeshiyaadkii nabad-diidka ahaa oo halkaas way ka firxadeen. Laba gadhi oo ah gaadiidka Ciidamada ayey meesha kaga tageen waxaana qabsaday Ciidanka Somaliland, wax dhimasho iyo dhaawaca oo halkaas ka dhacay midna ma jiro. Ciidamada Somaliland halkii ay rabeen way gaadheen umay socon wax dhul qabsiya ama dhul ballaadhsiya iyo dad kale oo la dhibaateynayaana. Waxayna ahaayeen kuwa sheegta magaca Khaatumo, Puntland ayey hore ugu dagalameen oo ay wax ku kala qabsadeen. Waxaana iyagii caydhiyey Ciidamada Somaliland.”









