CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo shaacisay Wakhtiga ay Bilaabmayaan Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare/Dhexe iyo Tirada Ardayda u fadhiisanaysa

Hargeysa, 17 June 2012 (Ogaal) – Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ardayda dugsiyada sare ee Fasalka 4aad iyo kuwa dhexe ee Fasalka 8aad u fadhiisanayaan imtixaanka shahaadiga 30-ka Bishan Juun.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta Guddida Imtixaanaadka Qaranka ee magaalada Hargeysa,  waxa ay shaacisay wakhtiga, tirada ardayda u fadhiisanaysa iyo tirada goobaha lagu galayo imtixaanka, gaadiid iyo hawl-wadeennada ka qayb-qaadanaya.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay in sannadkan ay guud ahaan imtixaanka u fadhiisanayaan 17,531 arday oo 5,846 ka mid ahi ka baxayaan dugsiyada Sare, iyadoo arrimahaas ka hadalaysa waxa ay tidhi, “Tirada ardayda sannadkan ka qaybgalaysaa waa 17,531 arday (toban iyo todoba kun, shan boqol sodon iyo kow), Dugsiyada sare waxa ka baxaya 5,846 arday (Shan kun siddeed boqol, afartan iyo lix), 4169  (afar kun lixdan iyo sagaal) waa wiilal, 1695 (kun lix boqol sagaashan iyo shan) waa hablo.” Waxa kale oo ay shaacisay goobaha lagu gali doono imtixaanka shahaadiga ah waxaan hadalkeedi ka mid ah  “Goobaha lagu galayo wax weeye 42 goobood guud ahaan,” ayey raacisay hadalkeeda.
Waxay ka hadashay tiradda ardayda ka qaybgali doona dugsiyada dhexe, “Guud ahaan ardayda dugsiyadda dhexe waxa weeyi 11,667 (taban iyo kaw kun, lix boqol lixdan iyo todoba), wiilashu waa 7,581 (Todoba Kun, shan boqol siddeetan iyo Kow) habluhuna 4086 (Afar Kun iyo Siddeetan iyo Lix). Goobaha dugsiyada waa 98 goobood wadanka oodhan, hawl wadeennaduna waa 1,268 (Kun, laba Boqol Siddeetan iyo Lix),”ayey tidhi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE