Wasiirka Daakhiliga oo shuruud ku xidhay wadahadallo dhex-mara Somaliland iyo TFG
Hargeysa, 16 Juun 2012 (Ogaal)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa shaaca ka qaaday in hadii ay Somaliland wadahadal la galayso Somalia uu Sheekh Shariif wax ka bedelo gudidii uu hore u magacaabay.
Wasiir Duur oo la sheegay inuu shalay siiyay waraysi Idaacad lagu magacaabay Risaala oo khadka Internet-ka ah, waxa uu sheegay in talaabada keliya ee Somaliland ku hor-fadhiisan karto Somalia ay tahay wax-ka-bedelka gudiddaas, waa hadii la doonayo in laga wadahadlo danaha Somaliland iyo arrimaha khuseeya ee Somalia danta u ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay mawqifka ay Somaliland ka istaagayso hadii shirka la soo dhigo dib-u-heshiisiin, waxa uu sheegay inaanay Somaliland waxba iska bedelayn mawqifkeedii gooni-isu-taagga ahaa.
Hadalkan Wasiirka Daakhiliga ee shalay ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay magacowday xubnaha uga qaybgalaya shir dhawaan lagu wado inuu ka dhaco dalka Ingiriiska, isla markaana maalmihii ugu dambeeyay ee ay arrimahaasi aloosnaayeen ayaan dhanka Xukuumadda laga maqlin diidmo ay ka muujiyeen xubnaha Somalia uga qaybgalaya shirkaas iyo xataa inay tahay in wax laga bedelo.









