Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo Heshiis la Saxeexday Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya
Addis Ababa, 16 June, 2012 (Ogaal)- Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maalmihii la soo dhaafay socdaal shaqo ku joogay dalka Itoobiya ayaa shalay heshiis la saxeexday shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, kaasi oo ku wajahan inay shirkadaasi toos u bilowdo duulimaadyadeedii Somaliland bishan fooda inagu soo haysa.
Waxaana sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Chief of Protocol-ka Wasaaradda Duulista Cabdilaahi Axmed Caarshe kaasi oo u qornaa sidan:-
“Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, wuxuu booqasho ku joogey maalmihii u danbeeyey caasimada dalka Itoobiya Ee Adis-ababa, waxaanu kulamo gooni-gooni ah la yeeshay masuuliyiinta ugu saraysa shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline.
Sida aynu ka wada warqabno waxaa muddo dheer xayirnaa shacabkana dhibaato weyn ku haysey isu socodka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, iyada sababtuna ahayd markii ay shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline ay joojisey duulimaadyadii Somaliland sanadkii 2007-dii.
Hadaba dedaal dheer oo ay xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud {Siillaanyo} ay arrintaa ka gashay ayaa hormuud u noqday in lagu guulaysto in dib loo soo celiyo xidhiidhkii dhinaca duulimaadyada ee ka dhexeeyey labada dal ee saaxiibka ah.
Waxaanu wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo xukuumadda uga wakiil ah Gaadiidka Cirka uu heshiis ka danbays ah la saxeexday shirkada duulimaadyada ee Ethiopian Airline, waxaana heshiiskaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta ugu saraysa Aviation-ka Itoobiya iyo wasiirka Duulista oo ay wehelinayeen safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Md. Aadan Nuux Dhuule Iyo Ku-xigeenkiisa.
Waxayna shirkada Ethiopian Airline ay duulimaadyadeeda ka bilaabaysaa Somaliland bishan soo socoto, waxaana guul wayn oo dalka iyo dadba u soo hoyatey, midho dhalkeedana ay keentay xukuumadda madaxweyne Siillaanyo.”









