Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo lagu qabtay Duleedka Hargeysa iyo Saraakiisha Laanta Socdaalka oo ka hadlay
Hargeysa, 16 June, 2012 (Ogaal)-Ciidamada Laanta Socdaalka ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa shalay gacanta ku dhigay tahriibayaal Itoobiyaan ah oo si dhuumasho ah ku soo galayey Caasimadda iyo baabuurkii ay saarnaayeen oo ku sugan meel u dhow Kaantaroolka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.
Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka ee Somaliland oo fah-faahin ka bixiyey qaabka ay qabteen Tahriibayaasha ayaa sheegay inay la kulmeen wakhti ay kormeer shaqo u socdeen iyaga oo baabuur ku dejinayo meel keyn ah oo ku dhow Buurta Kala-Jeexan oo ku taala Duleedka Galbeed ee Caasimadda.
Waxa uu Sarkaalku sheegay in darawallada baabuurtu ay dadka sharci-darrada ah ku dejiyaan inta aan la soo gaadhin Kaantaroolka magaalada, dabadeedna tahriibayaashu ay soo lugeeyaan iyaga oo Kaantaroolka ka soo wareegaya iyada oo baabuurkii ay saarnaayeenna ku sugaya meel aan magaalada ka fogeyn. isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Meel kantaroola oo ka shishaysa Buurta Kala-jeexan anaga oo kormeer ku samaynayna, waxaanu aragnay Nimankan oo gaadhigani (baabuurkii Siday) ku dejinayo meel kayn ah badhtankeeda oo dabadeedna leh lugeeya. Nimankani Waxay samenayeen intay lugeeyaan oo kantaroolka ka soo wareegaan kadibna uu gaadhigu soo qaado.“
Dhanka kale, Taliye Ku-xegeenka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleebaan Xaaji Xasan ayaa uga digay oo isku dayda inay dalka soo galiyaan Dad bilaa sharciya ay ka qadayaan talaabo ku habboon, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Gadiidleyda iyo cidkasta oo isku dayda inay dalka dad tariibaaya bilaa sharci-darro ku soo galiyaan waxa laga qaadayaa tallaabo sharciya.”
Waxa isaguna ka hadlay Darawalkii waday baabuurka soo qaaday Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah isaga oo qirtay khaladka uu galay isla markaana sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee uu soo qaado dad noocan ah, waxaanu Laanta Socdaalka iyo Xukuumaddaba ka codsaday in la Cafiyo. Waxa uu gadiidleyda kale uga digay inay ku dhaqaaqaan tallaabo noocan oo kale ah. “Waxaan u sheegayaa dadka waxa na soo qabtay waa Ciidankayagii iyo dawladayadii. Waxaan sidaas ku codsanayaa in cafis laysiiyo maanta ayaaana iigu horaysa. Waxaan caddaynayaa dadka aan gaadhiga ku soo qaday inay ahaayeen dad Itoobiyaana. Waxaanan dadka kale ee baaburta wata ama ka shaqaysta u sheegayaa inay iska jiraan oo ay iska ilaaliyaan.”









